Howgal ka dhacay Beledweyne oo lagu xir xiray 40 qof kuwaas oo qeybtood dembi lagu waayey

Beled-weyne, Aug 13, 2013 – Howgalo baaxad leh oo amniga lagu sugayo ayaa ka socda magaalada Beledweyne ee xaruunta gobolka Hiraan, xili halkaasi lagu dilay askari ka tirsan kuwa dowladda federaalka ah ee gobolkaasi.

Waxaa la shaaciyey 40 qof in ay ciidamada booliska ee gobolkaasi qabteen xalayto, waxaana dhamaantood dadkaasi lagu soo qabtay, howgal ka dhacay xaafada Buundo-weyn ee magaalada Beledweyne.

Taliyaha saldhiga booliska Beled-weyne Cali cabdi Mahad-alle ?oo howgalkaasi ka war-bixiyey wuxuu sheegay dadka la qabtay dhamaantood lala xiriiriyey falal amni daro, balse la sii daayey intooda badan marka laga reebo 10 qof oo laga shakisan yahay.

Mudane Mahad-Alle wuxuu intaas ku daray in dadka la sii daayey dhamaantood wax dembi ah lagu waayey, kadib baaris la xiriirta waxyaalaha looga shakiyey oo la sameeyey.

Maamulka qeybta booliska ee Beled-weyne ilaa hadda ma aysan shaacin in dad loo qabtay dilkii Askari ka tirsan ciidanka oo xalayto la dialy, kaas oo hubkiina laga qaatay, wuxuuse taliye Mahad-Alle ku cel-celiyey in ay baaritaanadu weli socdaan.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

Leave a comment

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com