Halyeey aaan la hilmaami doonin (Hodon Naaleeye)

Allaha unxariistee Walaasheen Hodon Naaleeye waxay ku dhalatay magaalada laasacaanood ee gobolka sool sannadkii 1976,iyadoo waxbarashadeedii hoose kusoo qaadatay halkaasi, kadibna iyadoo da’yar ayey u safartay wadanka kanada markii dagaalada Sokeeye ay dalka ka bilowdeen

waxay wax barshada dugsiga sare kaga baxaday Machadka West Humber halka heerkeeda koowaad ee Jaamacadda ay ka soo qalin jabisay Jaamacadda Windosor,iyadoo sidoo kale shahaado dheeri ah ka qaadatay kuliyadda Saxaafadda.

Markii ay jaamacada ka qalin jabisay ayey bilowday barnaamijka is-dhex-galka integration oo ah barnaamij muuqaalaad ka bixi jiray Tvga kaasoo ka hadlaya isdhexgalka barnaamijkaas waxay markii dambe ka baahin jirtay youtube-ka si ay u sheegto “sheekooyin wanaagsan” ee soomaalida uguna dhiirrigeliso kuwa qurba-joogta ah ee la halgamaya nolosha

Maadaama ay aheyd gabar wariye ah oo aadna ugu wanaagsan xirfadda saxaafada ayey go’aansatay inay codkeeda ku taageerto dadka iyo dalka Soomaaliya oo ka soo kabanaayey colaado iyo dagaalo sokeeye, waxayna sameysay barnaamijyo wax ku ool ah oo ka hadlaya horumarka ballaaran ee kajira dalka iyadoo booqatay goobo badan oo dalxiiska ku wacan kuwaasoo ay kula kulantay dad badan oo soomaaliyeed oo xitaa qaarkood dalka dibadiisa ka yimid si ay dalka u maalgashtaan. Goobaha inta badan ay booqanaysay waxaa kamid ah gobolka sool gaar ahaan magaalada laasacano oo ah meesha ay kaoo jeeddo. Hakaasoo ay kazoo diyaarisay barnaamij badan oo ku ool ahaa.

‘U jeedkeeda ugu weyn waxa uu ahaa in fikradaha aan wanaagsanayn ee waddamada reer galbeedka ay Soomaliya ka aaminsan yihiin meesha ka saarto oo ay muujiyo wanaagga soomaaliya oo markasta dadka waxa ay u sheegi jirtay in soomaaliya ay mustqabal ifayo leedahay ” ayuu intaasi ku sii daray weriye ilka case.

Markii ugu horeysay ee ay ka soo safartay kanada waxay aheyd sanadkii 2011 markaasoo ay timid xeryaha qaxootiga Kenya ee dhadhaab halkaasoo ay dagaanaayeen boqolaal kun oo qaxooti soomaaliyed, waxayna halkaasi kula kulantay dad badan oo soomaali iyo ajanabi isugu jira kuwaasoo ay kala hadashay xaalada wadanka soomaaliya, waxaana markaas la socotay Allaha unaxariistee Saado Cali Warsame.

Allaha unaxariistee waxay Hodon aheyd gabar wanaagsan, Akhlaaq leh, qalbi furan, dadka jecel, markastana dhoolacadeysa, waxaana markasta oo ay meel booqata kusoo xoomi jirtay dhalinyarada oo aad ujeclaa hayaankeedi, kuwaasoo ay kudhiiragalin jirtay inay ishorumariyaan.

Sidoo kale waxay inbadan tusaale u aheyd gabdho badan oo soomaaliyeed oo daawan jiray barnaamijyadeeda aadna uga heli jiray siiba kuwa kujira mihnada warbaahinta, si gaar ahna Waxaan ugu xusuustaa halkudhigeedii dhiiragalinta ahaa ee #naag iska dhig.

“warbaahinta bulshada ayaa bedeshay korna u qaaday barashada dadka ee arimaha dhaqanka ayey tiri Hodon “

Walaasheen Hodon intii ay ku guda jirta halgankeedi waxay caalamka ka gadday Wadankeenna iyadoo muuqaalo, iyo sawirro fiican ka sameysay dalka, taasoo keentay in qurba joog badan ay kudhiiradaan imaanshaha wadankeenna.

“ waxaan doonayaa inaan usoo tabiyo dadku sheekooyinka ku saabsan afrika. Hadafkeygana waa inaan dadka hoga tusaaleeyaa oo aan badelaa ayey tiri waxay hadalkan u sheegtay bbc africa horaantii sanadkan,waxayna intaas kudartay in ay sii wadi doonto oo ay sii kordhin doonto sheekooyinka wanaagsan ee kor u qaadaya maskaxda iyo dhiirigelinta dhalinyarada soomaaliyeed ee adduunka ku nool si u Aaminaan una jeclaadaan wadankooda.

“Wadnaheyga waxaa ku dhex nool Soomaaliya MArkastana waxaan jeclahay inaan barto dalkeyga, dadkeyga, Afkeyga iyo diinteydaba. Ayey tiri mar ay hadleysay.

Hadalada dadka aadka u soo jiitay intii ay nooleyd oo ay tiri waxaa kamid ahaa “riyadeyda ma aha inaan caan noqdo ama aan lacag sameeyo,ee waxaan isweydiiyaa maxaad ka tageysaa haddii aad dhimato.

Jacayl ay u qabto dadlka iyo dadkaba ayaa suuragaliyey inay si rasmi ah Hodon ugusoo guurto soomaaliya, gaar ahaan magaalada kismaayo halkaasoo ay ku guursatay Marxuum fariid oo kamid ahaa masuuliyiinta hore ee maamulka jubaland kaasoo ay isku meel ku ruux baxeen.

Geerideedana waxay taabatay bulshooyin badan oo aduunka kunool kuwaasoo isugu jira Soomaali iyo ajanabi ka qaracmay kana welwelay, kuwaasoo isla qiray inay aheyd Xidig usoo baxday bulshada Soomaaliyeed, laguna xusuusan doonno dal jacaylkeedii wadaniyada lahaa ee ay u adeegsantay inay kusoo bandhigto warbaahinta Caalamka.

Allaha unaxariisto Hodon Naaleeyeh waxay 12kii bishaan ku geeriyootay Hotel cascasey iyada saygeeda iyo dadkaloo Soomaaliyeed oo hotel ku sugnaa. Kadib markii kooxda Argagaxisada ah ee Alshabaab ay weerar ku qaadeen.

Innaa lillaah wa innaa ileyhi raajicuun Allaha unaxariisto walaasheen Hodon Naaleeyeh waxay aheyd Halyeey Aan la hilmaami doonin halgankeedii.

W/Q Aamina Ladan Axmed Cali.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com