Halganka SSC, Hagardaamada Xasan Sheekh & Jawaabta Hoggaanka SSC-Khaatumo

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

Halganka SSC, Hagardaamada Xasan Sheekh & Jawaabta Hoggaanka SSC-Khaatumo

Guud ahaan gobolka Sool ayaa nabdoonaa todobaadkan marka laga reebo isku dhacyo kooban oo dhexmaray ciidamada Somaliland iyo xoogagga SSC. Laakiin dhi

Afhayeenkii Guddiga Xulista Barlaamanka Xilligii Faroole oo Doorashada PL 2019 ka hadlay (dhegayso)
KACDOON KA DHAN AH MUSE BIIXI OO KA BILOOWDAY HARGEYSA
RW ku xigeenka dalka oo arrimo xasaasi ah ka hadlay (Daawo)

Guud ahaan gobolka Sool ayaa nabdoonaa todobaadkan marka laga reebo isku dhacyo kooban oo dhexmaray ciidamada Somaliland iyo xoogagga SSC. Laakiin dhinaca Hawdka ayaa waxaa ka aloosan colaad beeleed deegaanada lagu magacaabo Gobxanan, Adhiboob iyo Dhulmaygaag. Colaadda labada beelood ayaa ku salaysan dhul, taas oo sababtay dhimasho iyo dhaawac, haatana waxaa aagga Gobxanan iyo Dhulmaygaag isku hor fadhiya ciidamo xooggan.

Halka colaadu ka dhacday oo ah aagga Horufadhi kana tirsan degmada Buuhoodle ayaa u dhexaysa Horufadhi iyo degaanka Galgal. Colaadda ayaa bilaabatay kaddib markii beesha Qorulugud oo kamid ah beelaha Somaliland ay weerar la beegsatay deegaan SSC.

Dagaal beeleedka aagga Horufadhi ayaa la qiyaasayaa in uu dhabarjab horleh ku yahay Somaliland, maadaama beesha Qorulugud ee hadda dagaal beeleedku haysto ay yihiin ciidamada ugu badan ee ka dagaalamaya Goojacadde iyo aagagga Laascaanood. Sidaas darteed waxaa la qiyaasayaa in Somaliland aysan awood u lahayn in furin labaad ay ku furanto, sababtana in ciidamada haatan ka dagaalamaya aagagga Laascaanood ay u yaacaan dhinaca ay beesha Qorulugud colaaddan cusub kaga furantay. Dhinaca SSC ayaan wax welwel ahi ka jirin maadaama ay aaggaas ka joogaan ciidamo aad u xoogan oo degaanku leeyahay.

Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ee beesha Qorulugud ayaa war ay soo gaadhsiiyeen odayaasha Buuhoodle ka codsaday in colaadda la joojiyo, iyaguna ay nabad diyaar u yihiin, waxaa se loo sheegay in haddii ay nabad rabaan aanay gebi ahaanba wax dhul ah ka hadli karin.

Dhinaca Somaliland waxaa ka socda dhaqdhaqaaq ciidan kaddib markii ciidamo xoog leh oo ka tirsan xoogagga SSC ay dhinaca waqooyi ka soo fadhiisteen ciidamada Soomaliland. Ciidanka SSC oo ah mid aad u xooggan ayaa qorshaynaya, sida culimada ciidamada aqoontooda leh ay Daljir u sheegeen, in ay gabi ahaanba gooyaan sahayda ciidamada Somaliland uga imaanaysa Burco iyo Hargeysa. Sidaa darteed, ciidamada Somaliland oo welwel ka qaba qorshaha cusub ee SSC ayaa raba in ay ka hortagaan meelaha ay filayaan in laga go’doomin karo, iyagoo dhinaca Goojacadde ka soo daabulaya ciidamo, geynayana waddada dheer ee aadda dhanka Burco. Xeeldheerayaasha kaartooyinka ciidamada oo Daljir la xiriirtay ayaa qiyaasaya in Somaliland aysan awoodin in ay daboosho masaafo saas u dheer, oo ay haddana u dheertahay dhinaca hawdka oo kumannaan ciidan oo SSC ay kulaalayaan.

GARAAD JAAMAC MAXAA U MUUQDAY?

Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa Talaadadii, 11 Luulyo 2023, hadal lama filaan ah kaga dhawaaqay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, asaga oo madaxda Dawlada Federaalka dhaleecayn dusha uga tuuray, kuna eedeey Madaxweyne Xasan Sheekh in uu garab iyo gaashaan u noqday goonigoosadka Somaliland.

Haddaba maxaa sababay in Garaad Jaamac uu eed intaas le’eg dusha uga rido Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xukuumaddiisa? Daljir ayaa dabagal iyo baadhitaan dheer kabacdi waxa u suurtoowday in ay wax ka ogaato eedaha dulhoganaya Madaxweyne Xasan Sheekh. Eedahaas waxaa ugu daran:

  • Waftigii Isimada SSC-Khaatumo ee tagey magaalada Muqdisho muddana ku sugnaa, kulamo dhawr ahna la yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre, natiijadiisii iyo ballamihii la isla meeldhigay waxa ay noqdeen hal bacaad lagu lisay oo illaa iyo hadda aan midna laga fulin
  • Sababta madaxdhaqameedka SSC aanay cidna ula wadaagin wixii dhexmaray madaxweynaha iyo iyaga ayaa qiyaasteedu noqotay in ay ogaayeen in aan madaxweynuhu waxba ka fulin doonin ballanqaadkiisa
  • Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu Isimada SSC ka codsaday in ay aqbalaan martiqaad uu uga wado madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, waa se diideen Isimadu
  • Mar kale ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu Isimada u soo diray xildhibaano ka socda dawladda Jabuuti, bal se mar kale isimadu waa ay diideen
  • Madaxweyne Xasan ayaa qorshe kale kula soo laabtay Isimada SSC, asaga oo yiri waxaan “heshiisiinayaa Isimada iyo Madaxweyne Muuse Biixi”
  • Mid kamid Isimada SSC ayaa Madaxweyne Xasan ugu jawaabay, “Madaxweyne aan idin dhexdhexaadino adiga iyo Cali dheeraha Shabaab?”
  • Madaxweyne Xasan Shiikh oo arrinkaas la anfariiray ayaa ku jawaabay, “maxaad uga jeedaa hadalkaas?”
  • Isla Isinkii su’aasha weydiidey Madaxweyne Xasan ayaa si deggan ugu jawaabay, una sheegay “heshiiska Muuse Biixi iyo kan Cali Dheere waa iskumid, Madaxweyne”
  • Madaxweyne Xasan Shiikh oo hortaagan fulinta qaraarada Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, asaga oo xujo uga dhigay in uu ku hawlanyahay xallinta dagaalka, uuna ka war sugayo warbixinta dadaalka oday-dhaqameedka koonfurta oo bishii afraad Hargeysa fadhiya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo aan weli ku qancin natiijo la’aanta hagardaamooyinka uu la beeganayo SSC-Khaatumo ayaa Xamar ka soo direy wafti uu hoggaaminayo Sanator Timacade, Guddoomiye Kuxigeenka Aqalka Sare, ayna kamid ahaayeen Sanator Gaagaab iyo Xildhibaan Cali Xoosh, si ay xiisad uga dhex abuuraan Puntland iyo SSC. Xiisad abuurka Puntland iyo SSC ayuu Madaxweynuhu u qorsheeyey si uu Muuse Biixi u helo fursad uu kaga soo kabto culaysyo daran oo ka soo wajahay gude iyo dibadba.

Caymiska Sanator Timacadde ka sokow, culaysyada dibadda ee soo wajahay Muuse Biixi waxaa ugu daran kan qaraarada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ee isdabajoogga ahaa, kuna saabsan jarriimooyinka ka dhacay magaalada Laascaanood, kuwaas oo Dawlada Federaalka Soomaaliya ay ku noqotay isbaaro hortaal, tallaabo kasta oo Golaha Ammaanku qaadi lahaana ay lagamamaarmaan u noqotay oggolaanshaha Madaxweyne Xasan Sheekh.

Si uu Madaxweyne Xasan Sheekh uga fursado fiirada Golaha Ammaanka waxa uu xujo uga dhigay oday dhaqameedka koonfurta oo xal warkiisa daa e Hargeysa bishii afraad fadhiya, kaas oo hadda Isimada SSC u arkeen in uu ahaa hagardaamo aysan filaneyn, laakiin dusha sare uga muuqda dadaal ase ah dadaal uusan madaxweynuhu daacad ka ahayn.

Xasan Sheekh oo soo diray madaxdhaqameedka, markhaatina uga dhigayey daneeyayaasha Soomaalida iyo Qaramada Midoobey ayaa hadda qorshihiisu u muuqdaa hagardaamo la isla ogaa oo waqti-dheeraysi, ayadoo odayaasha dhaqanka ee koonfurta Soomaaliya imaanshahoodii Laascaanood kaddib ay maxasta dhigteen magaalada Hargeysa, bishii afraadna ay haatan u bilaabantay.

Hadalkii Garaad Jaamac Garaad Cali iyo fashilintiisii qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu si sahlan bannaanka u soo dhigay xiriirka Madaxweynaha, Muuse Biixi iyo kan odayaasha dhaqanka ee haatan Hargeysa jooga. Odayaasha oo bishii afraad Hargeysa fadhiya ayaa hal mar maalin kaddib hadalkii Garaadka la kulmay Muuse Biixi, soona bandhigay sawirro kulanka.

Isimada SSC-Khaatumo oo haatan ka aaminbaxay Villa Somalia ayaa waxaa horyaal laba qorshe: Waa tan koowaad e iskutashi aanay cidna isku hallayn oo sida Jeytaha Hiiraan ay ka maarmaan Xamar iyo wixii ku abtirsada inta laga helayo maamul Soomaalinimadu dhab ka tahay. Waa tan labaad e SSC-Khaatumo oo sii xoojisa dhismaha ciidan awood leh oo suga ammaanka dhammaan dhulka SSC, degdegna deegaanka uga saara Somaliland.

Diiwaanka wararka | Daljir Laascaanood iyo Daljir Garoowe


Wararkii hore

Garaad Jaamac: Xasan Sheekh wuxuu garab iyo gaashan u noqday kuwa kala goynaya Soomaaliya

HALGANKA SSC, HUJUUMKA SOMALILAND IYO HAGARDAAMADA AARANJAAN

GAAGAAB OO HORMUUD U NOQDAY HAMMIGA AARANJAAN EE HAGARDAAMADA SSC

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: