HALGANKA SSC, HUJUUMKA SOMALILAND IYO HAGARDAAMADA AARANJAAN

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

HALGANKA SSC, HUJUUMKA SOMALILAND IYO HAGARDAAMADA AARANJAAN

Khasaarihii ugu badnaa ee ay dad rayid ah madaafiicdu u geysteen ayaa maanta ka dhacay magaalada Laascaanood, iyada oo illaa shan qof ay ku dhinteen t

Ammaanka Puntland, ciidamada amniga iyo askariga indhoshareeran ee Bossaso (qaybtii 2aad)
Somali Parliament rubber-stamps Somalia’s notorious intelligence agency’s extensive powers
PDRC under fire accused of clan politics

Khasaarihii ugu badnaa ee ay dad rayid ah madaafiicdu u geysteen ayaa maanta ka dhacay magaalada Laascaanood, iyada oo illaa shan qof ay ku dhinteen tiro badanina ay dhaawac yihiin. Maqaaxi ku taala dhinaca waqooyi ee magaalada xilli ay u diyaargaroobayeen salaadda duhur ayaa qumbulad kamid ah labaataneeyo madfac ay haleeshay. Sidoo kale badhtamaha magaalada ayaa mid kamid ahi ku dhacay, halka uu ku dhacay ayaana ahayd goobta ugu dadka badan.

Duqaynta maanta ayaa ku soo aadaysa xilli ay madaxda dhaqanku dadka rayidka ah ugu baaqeen in ay ka baxaan magaalada iyagoo sheegay in Somaliland miciin bidayso in ay dadka rayidka gumaado.

Dhanka dagaaladii cuslaa ee maanta, dhammaan goobihii dagaaladu ka dheceen ayaa waxyeelo xoog leh loogu geystey ciidamada Somaliland, iyadoo la xaqiiyey in madaafiic si toos ah maanta loogu garaacay saldhigga Goojacdde iyo dhufeysyada bariga iyo waqooyigaba. Garaacidda Goojacadde ayaa la xaqiijiyey in gaadiid Somaliland duqeyntaas lagu gubey, si toos ahna loo arkayey gaadiidka oo ololaya.

GUDDIGA DHAARTA SUGAYA

Waxaa si buuxda loo ansixiyey Guddiga Maamulka SSC kuwaas oo ka kooban 45 xubnood oo la wareegaya maamulka degaanka oo horey ay u maamulayeen Madaxdhaqameedka SSC iyo Guddi 33 xubnood ah.

Guddigan 45ta xubnood ayaa noqon doona maamul buuxa oo leh Guddoomiye u dhigma Madaxweyne, Kuxigeen Guddoomiye, iyo Xoghayayaal u dhisan qaab xukuumadeed. Olole xooggan oo tartan loogu jiro hoggaanka cusub ee SSC-Khaatumo ayaa haatan ka bilaabmay magaalada Laascaanood.

Saddex xubnood ayaa illaa haatan muujiyey in ay u taaganyihiin musharaxnimada guddoomiyaha, kuwaas oo dhammaantood ah dad magac weyn ku leh bulshada degaanka, inta badana waxa ay ahaayeen dadkii halgamadii dheeraa lagu bartay.

Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali oo ah ninkii u horreeyey ee hadalhayntiisu baraha bulshada gaartay ayaa aqoontiisu tahay heerka sare ee Jaamacada oo uu dalka Kenya ku qaatay, waxa uuna muddo dheer ku sugnaa halkaas oo uu shaqooyin kaladuwan ka soo qabtay. Jamaal Xaaji Cali Cilmi oo ka yimi Kanada ayaa isna ah musharrax. Jamaal waxa uu siyaasadda quudaraynayey tobankii sano ee la soo dhaafay isagoo mar isu sharraxay xilka madaxweyne Soomaaliya xilligii u danbeeyey. Jamaal waxa xilka Guddoomiyaha maamulka SSC loogu magacaabay magaalada Jigjiga badhtamihii sannadkii la soo dhaafay iyadoo dad badani leeyihiin isaga ha loo daayo.

Cabdirashiid Maxamuud Maxamed “Huruuse” waa musharraxa saddexaad, waana khabiir maamulka mashaariicda iyo xisaabaadka derajada dhexe ee Jaamacada kaga qaatay dalka Maraykanka, isaga oo heerka jaamacadda koowaadna ku qaatay Yurub. Huruuse wuxuu unkay ganacsiyo, shirkado iyo xarun caymis, waana nin dhaqaale ahaan dhisan. Waxa uu soo noqday guddoomiyaha jaaliyada SSC muddo ku dhow toban sano. Musharraxiinta kale waxa uu Huruuse dheeryahay isaga oo degaanka ka dhisay iskuul, bixiyana kharashaadka iskoolka. Tan iyo biloowgii SSC iyo kii maamulkii Khaatumo waxa uu Huruuse ka ahaa xubin muhiim ah.

Dhismaha maamul SSC-Khaatumo ayaa ah mid muhiim u ah dadka degaanka, waxaana xusid mudan in ay dhammaan Guddiga 45ta xubnoon yihiin dad aqoontoodu aad u sarrayso, loona xulay qaybaha kala duwan ee xirfadaha maamul u baahanyahay.

HAGARDAAMADA AARANJAAN & RAGGOODA XAMAR KA YIMID

Kooxda Aaranjaan ee fadhigeedu yahay magaalada Garoowe ayaa waxa ay Laascaanood ka bilaabeen shirar gooni-gooni ah oo aad looga shakiyey, qorshuhuna yahay in ay hakad galiyaan halganka SSC ee haatan xawliga uga socda guud ahaan goboka Sool. Hakad-galinta halganka SSC ayaa daaran in shaki la kala dhexgaliyo madaxdhaqameedka SSC iyo maamulka Puntland, iyo waliba shacabka SSC iyo dadka reer Puntland oo xoog iyo xoolaba aan waxba la hadhin, maamulka Puntland-na uu musdanbeed u yahay.

Qayb xubnaha matalayey kooxda Aaranjaan waxa ay 1-dii Luulyo soo gaadheen magaalada Laascaanood si ay qayb uga noqdaan xuska maalinta xorriyada, waxa ayna halkaas ka jeediyeen hadalo qiima leh oo dadka quluubtooda galay, laakiin qorshuhu yahay mid ka duwan kan lagu khudbeeyey.

Xubnaha Laascaanood yimid oo uu hoggaaminayo Xildhibaan Timacadde, Guddoomiye Kuxigeenka Aqalka Sare, waxaa weheliyey Xildhibaan Xoosh iyo Xildhibaan Gaagaab. Dhammaan xubnahaan ayaa ahaa madaxii Puntland ugu sarreeyey ama ka agdhawaa madaxda Puntland xilligii Somaliland qaab dadban loogu wareejinayey Laascaanood.

Dhammaan xubnahaan oo afkooda iyo uurkoodu kala socdey ayaa shirarkooda gooni-goonida ahi ka fajiciyeen dhammaan dadkii ay la kulmeen, waana arrin weli fadhi-ku-diriryada Laascaanood looga sheekaysto. Saddexda xildhibaan, waa Timacadde, Gaagaab iyo Xoosh e, ayaa mid walbaa shirka uu galo waxa dadka uu la shirayo u sheegayey hadalo isku wada mid ah, ahaana, “Deni waxa uu doonayaa in uu gobolka qabsado. Ma aha asxaan ee waxa uu idiin taageerayaa si aad u aamintaan, waana nacsnimo ee ha aaminina Deni.” Hadaladaas iyo qaar kale oo dhiilo kicin kara, walow aysan jirin dad badan oo waxtar ah oo ay ka dhaadhacday, ayaa weli meelaha qaarkood waxaa lagu arkaa dad weli sii wada hadalhaynta ay Xildhibaanada Xamar ka yimid ka tageen.

Diiwaanka wararka | Daljir Laascaanood & Daljir Garoowe


Wararkii hore

Xildhibaanada Aaranjaan oo matalaya Xasan Sheekh iyo Somaliland oo Laascaanood isugu yimid dajinta qorshe cusub


 

Laascaanood, xuska 1da Luulyo iyo todobaadkan & halganka SSC-Khaatumo

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0