Guddoomiyaha Gobalka shabeelaha Hoose oo kormeeray degaanka Bariire

HomeWararka

Guddoomiyaha Gobalka shabeelaha Hoose oo kormeeray degaanka Bariire

Gudodomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax iyo mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay kormeer ku tageen

Xulashada Daljir & Cabdixakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)
Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo Fariin u diray Madaxda Maamul Gobaleedyada (dhegayso)
Guddiga dib u heshinta Galmudug oo beeniyeey inu fashilmay shirkii dhuusamareb

Gudodomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax iyo mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay kormeer ku tageen deegaanka Bariire ee Gobolkaasi Shabeellaha Hoose,halkaas oo dhawaan ay la wareegeen Ciidamo ka tirsan kuwa Kumaandoosta Soomaaliya.

Kormeerka gudodomiyaha ayaa waxaa ku wehlinayay wasiirka Amniga Maamulka Koonfur Galbeed, qaar ka mid ah Maamulka gobolka iyo Xildhibaan Nuur Siidow oo ka tirsan xildhibaanada baarlamaanka federalka ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa kulan la qaatay saraakiisha ciidamada eek u sugan deegaanka Bariira,iyaga oo warbixin ka siiyay xaalada Bariire,waxaana uu uga mahad celiyay sida ay u xaqiijiyeen amniga deegaankaas.

Waxaan u mahadcelinayaa Taliye captain Abdi Ali Raage iyo ciidamadiisa sida ay ugu adkaadeen cadowga alshabaab ayagoo xaqiijiyay Amniga deegaanka Bariire ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose.

Deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa xilligaan gacanta ku haya Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee DANAB, kuwaas oo dhowr bilood ka hor kala wareegay Ururka Al-Shabaab.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: