
Axad, Luuliyo 05, 2015 (Daljir) —Shirkadda Isgaarsiinta Golis ayaa abaal-marin guddoonsiisay shaqaalaha sida hawl-karnimada ah uga soo shaqeeyey xarumaha ay ku leedahay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
Munaasabad ka dhacday xarunta Golis ee magaalada Gaalkacyo ayaa abaal-marinada iyo had’yaddo lugu siiyay shaqaalaha sida wanagsan uga soo baxay shaqadooda.
Maamulka shirkadda isgaarsiinta Golis,maamulka gobolka Mudug iyo xubno kale oo bulshada ka socday ayaa ka qayb-galay munaadabadda oo sanadkiiba mar la qabto.
Maareeye ku-xigeenka shirkadda Golis Gaalkacyo Injineer,Maxamed Ciise Cismaan ayaa ku sheegay ujeedka munaasabad inay tahay mid lugu doonayo in lugu abaal-mariyo shaqaalaha shirkadda ee soo bandhigay hawl-karnimada iyo dadaalka dheeriga ah.
Maxamed Ciise (looyaan) oo ah madaxa shaqadda iyo shaqaalaha shirkadda Golis qaybteeda magaalada Gaalkacyo ayaa isna sheegay shaqaalaha shirkada ee la siinayo abaal-marinada in lugu soo xushay u adeegida bulshada,daacad-nimo iyo dadaal dheer ah oo ay ku bixiyeen shaqadii ay hayeen.
Maamullaha shirkadda Golis qaybteeda magaalada Gaalkacyo,Faarax Bootaan Faarax ayaa dhankiisa sheegay inay abaal-marinadaan ku dhiiri-galinayaan shaqaalaha sida wanagsan shaqadooda uga soo baxay,waxuuna inta ku daray inay shirkaddi sii labo jibaarayso abaal-marinada la siinayo shaqaalaha loo arko inay wanaajiyeen shaqadoo
Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Mudug,Axmed Muuse Nuur oo munaasabadda ka qayb-galay ayaa ugu horreeyn u hambalyeeyay shaqaalaha shirkadda Golis kuwaado maanta la guddonsiiyay abaal-marinada,waxuuna ammaanay howlha shirkadda iyo maamul wanageeda.
Intaas kaddib guddoomiye ku-xigeenka iyo maamulka shirkadda ayaa shaqaalaha guddoonsiiyay shahaadooyin iyo abaalmarino kale oo loogu tala-galay kuwaado shaqada hufan soo bandhigay.
Qar ka mid ah shaqaalaha u helay fursada in la guddonsiiyo abaal-marino ay ku muteysteen shaqadooda ayaa dhankooda sheegay inay si weyn ugu faraxsan-yihiin wax-weyna ay tahay in lugu abaal-mariyey shaqadii ay bulshada u ahayeen.
Shirkadda Golis ayaa ka mid ah shirkadda isgaarsiinta ee ugu ballaaran dalka,waxaana ay ka howl-gasha deegaannada Puntland iyo dhulka ku yaalla xadduudka Itoobiya.
FAALLOOYIN & FALCELIN