Golaha wasiirrada oo ka digay duufaan la sheegay in ay ku soo wajahantahay xeebaha Soomaaliya.

Muqdisho, Dec, 24- Shir maanta golaha wasiirada Soomaaliya ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ayay kaga hadleen arimo ay ka mid yihiin Duufaan la sheegay inay ku soo maqan tahay xeebaha dalka, taasoo ay kaga digeen dadka kulaala deegaanada xeebaha.


Kulanka waxaa shir gudoominayay R/wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), kulanka ayaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday ammaanka dalka gaar ahaan sidii loo sugi lahaa xasiloonida jidka xiriiriya Muqdisho iyo degmada Afgooye.


Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka C/kariim Xuseen Guuleed oo dhamaadkii shirka ka hadlay ayaa saxaafadda u sheegay in dawladdu ay si dhakhsaa ugu hawl gali doonto xasilinta wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.

Diiwaanka Wararka Daljir

Muqdisho

(S)


?

http://daljir.com/

Faallee ama ka falceli mowduuca kore oo ku guulayso abaalmarin AMAL Bank. "AMAL BANK. YOUR FUTURE. OUR MISSION."

AMAL Bank ku Dirso, ku Keydso, ku Maalgasho! Hadaba si aad u hesho abaalmarin AMAL BANK qaybta hoose ee faallooyinka iyo falceliska ku qor magacaaga iyo moobilkaaga, ama email wata magacaaga oo buuxa iyo moobilkaaga noogu soo hagaaji: [email protected]
AMAL Bank. "Your Future. Our Mission"

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0