Bannaanbax looga soo horjeedo caydii Nabi Muxamed NNKH oo ka dhacay Buuhoodle.

Buuhoodle, Sept, 18 – Bannaanbax ballaaran oo looga soo horjeedo caydii dhawaan ay faafiyeen qaar-ka mid warbaahinta Maraykanka ayaa maalintii shalay ahayd waxaa uu ka dhacay magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn.

Boqolaal dadwayne oo caraysan, wajiyadoodana laga dheehan-jaro dareen murugaysan ayaa isugu soo baxay garoonka kubadda cagta ee Buuhoodle, kuwaasoo ku hadaaqayay kalmado isugu jira Af-carbeed iyo Af-Soomaali ay ku maagayaan ciddii faafisay cayda Nabi Muxamed NNKH.

Waa bannaanbixii ugu horeeyay ee ka dhaca magaalada Buuhoodle, marka loo eego magaalooyinka kale ee Puntland.

Maxamed C/llaahi Cali ‘Kooshin’
Radio Daljir.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com