Dawlada Puntland oo sheegtay in gacan bir ah lagu qabanayo cid walba oo amaanka khal-khalinaysa ( Dhegayso)

Garowe, Dec, 24, 2012 – Wasiirka Warfaafinta Dawladda Puntland Inj Maxamuud Caydiid Dirir oo waraysi gaar ah siiyay Radio Daljir ayaa sheegay inay dawladdu gacan bir ah ku qabanayso cid kasta oo ay u aragto xasilloonida inay ka soo horjeedo.

?
Wuxuu sheegay in dad faro ku tiris ah oo ku tilmaamay Dawlad diid inay ka been sheegayaan xaaladda Puntland sida uu hadalka u dhigay.
?
Sidoo kale Wasiirku wuxuu dhaliilay qaabka ay warbaahinta qaar u tebiyaan warar la xiriira dadka mucaaradka ku ah Dawlada.
?
“Shaqsiyaad aan laba iyo sadex ka badnayn ayaa Idaacadaha ka hadla arintaasi waxay keentay in Warbaahintu si aan hufnayn u tebiyaan dad leh Dawladi ma jirto, hadana Musharax baan ahay, sidee Musharax u noqon karaa qof leh Dawladi ma jirto,” ayuu yiri Maxamuud Caydiid Dirir.
?
“Saxafaadu inay war tebiyaan dalka iyo dadka danbaa ugu jirta lkn ?dadka fidno walayaasha ah ee keligood ah oo diidan inay Mustaqbal siyaasadeed oo xor ah ka qayb galaan ?inay ka digtoonaadaan oo wakhtigooda qaaliga ah keliyaan arimaha Mustaqbal ka,” ayuu hadalkiisa raaciyey Md Dirir.
?
Hadalka kasoo yeeray Wasiirka Warfaafinta Dawlada Puntland ayaa kusoo beegmay xili xaalado siyaasadeed ay ka taagan yihiin Puntland iyadoo Dawladu sheegtay inay qabanayso cid walba oo loo arko inay amaan daro abuurayaan.
?
Diiwaanka Wararka
Radio Daljir
(B)
?
?

Faallee ama ka falceli mowduuca kore oo ku guulayso abaalmarin AMAL Bank. "AMAL BANK. YOUR FUTURE. OUR MISSION."

AMAL Bank ku Dirso, ku Keydso, ku Maalgasho! Hadaba si aad u hesho abaalmarin AMAL BANK qaybta hoose ee faallooyinka iyo falceliska ku qor magacaaga iyo moobilkaaga, ama email wata magacaaga oo buuxa iyo moobilkaaga noogu soo hagaaji: [email protected]
AMAL Bank. "Your Future. Our Mission"

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0