CIA-da Maraykanka oo la sheegay in ay maamusho jeelal ku yaala gudaha Soomaliya

Washington, July 13 ? War-bixino la helay ayaa daaha ka rogaya in hay?adda mukhaabaraadka ee dalka Maraykanka ee CIA ay maamusho xarumo iyo jeelal ku yaalla gudaha waddanka Somalia, si loola dagaalamo ururka Maleeshiyada Islaamiga ah ee Al-shabaab.

Dhisme ku yaalla Geeska dame ee Madaarka caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in ay xarun u tahay CIA-da Maraykanka, waxaana xaruntaasi ku wareegsan derbiyo iyo dhismayaal badan oo amaankooda aad loo adkeeyey.

Xaruntaan ayaa la sheegay in ay leedahay gegi-diyaaradeed oo iyada u gaar ah waxana ay gegidaasi diyaaradeed ku taallaa dhisme ku dhaggan xarunta CIA-da ee Maraykanka , waxana ay leedahay 8 hangar oo diyaaradu galaan , xaruntaan ayaa sida lasoo weriyey in la dhisay 4 bilood ka hor iyadoo ay waardiye adag ka hayaan ciidamo Somali ah oo tababar wanaagsan la siiyey iyo shiishyahano ama sharp shooters, laakiin saraakiisa Maraykanka ayaa gacanta ku haya hawlaha meesha ka socda.

War-bixino la helay ayaa muujinaya in CIA-du ay tabar siiyaan ciidamada mukhaabaraadka ee Somalia.

Wakaaladda siroodnka ee Maraykanka ayaa lagu soo warramayaa in ay jeelal ku leedahay xarunta ciidamada sirdoonka ee Somalia ee loo yaqaan NSA (National security agency)

Ciidamada CIA-da ee Marayanka ayaa la sheegayaa in ay mushaharaad wanaagsan siiyaan ciidamada sirdoonka ee Somalia, maadaama ay wada shaqeeyaan, waxana war-bixinada la helay muujinayaan in Maraykanku uu ka fogaaday hogaamiyaasha somalida.

Dadka xabsiyadaan lagu hayo ayaa la shegay in ay su?aalo weydiiyaan CIA-da Maraykanka iyo wakiillo French ah sida uu xaqiijiyey sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka Somalia oo ka gaabsaday in magaciisa la xigto.

Dad maxaabiis ah oo halkaasi ku jiray waqti dheer ayaa arrinkaasi xaqiijiyey, iyadoo maxaabiista qaar ay halkaasi ku jireen in kabadan hal sano.

Qaar kamid ah maxaabiista ayaa la sheegay in lagu xidhay dalka Kenya kaddibna loo gudbiyey jeelal sir ah iyagoo lagu qaaday diyaarado yaryar.

War-bixintaan oo uu daabacay wargeyska la yiraahdo the Nation magazine ayaa sheegay in xogta uu kasoo ururiyey ilo-dhawr ah oo ku sugan magaalada Muqdisho, waxana Ila-haasi kamid ah saraakiil sar sare oo ka tirsan sirdoonka Somalia, saraakiil sarsare oo ku jira Dowda federaalka ah ee Somalia, Maxaabiis hore oo lagu hayey xabsiyo dhulka hoostiisa ah iyo sidoo kale dadka wax indha-indheeya ama wax taxliiliya ee Somalida ah weliba iyo hogaamiyaal madax u ah maleeshiyaad oo qaar kamid ah lasoo shaqeeyeen
CIA-da Maraykanka.

Maraykanka ayaa la sheegay in duqaymo ka wado Somalia, iyadoo dhowaana diyaaradaha aan cidi wadin ee Maraykanku ay duqaymo ka bilaabeen Somalia.

Warbixino la helay dhowaan ayaa sidoo kale lagu sheegay in sirdoonka maraykanku uu ka hawlgalo magaalooyinka Bosaso iyo Hargeysa.

Source: Press Tv

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com