Howl-galka WFP ee Somalia oo Waqtiga loo Kordhiyay

Somalia, December 09, 2015-(Daljir)_Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u cusbooneysiisay heshiis ay hey’adda WFP uga howlgaleyso dalka Soomaaliya kadib markii uu idlaaday waqtiga heshiiskii hore.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia  Abdusalam Hadliye Omer iyo Wakiilka WFP Somalia Laurent Bukera ayaa maanta heshiiskaasi ku kala saxiixday Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Caasimadda Muqdisho , halkaasoo ay goob joog ka ahaayeen Garyaqaanka guud ee dowladda Osman Elmi Guled,Xoghayaha joogtada Wasaaradda , Ali Mohamed Ali iyo mas’uuliyiin kale .

Heshiiskan ayaa xoojinaya dadaalada hey’adda WFP ay uga hortageyso xaaladaha bani’aadanimo ee kala duwan ee mararka qaar la soo gudboonaada dadka iyo duunyada ku kala nool Koonfurta iyo Waqooyiga Soomaaliya .

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com