Golaha Wasiirada Galmudug oo maanta ansixiyey miisaaniyadda 2020 ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

HomeWararka

Golaha Wasiirada Galmudug oo maanta ansixiyey miisaaniyadda 2020 ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye, oo uu wehliyo ku xigeenkiisa mudane Cali Daahir Ciid, ayaa maanta shir guddoomiyey shirka usbuuclaha

Ra’iisul Wasaare khayre oo xarigga Ka jaray Taliska qaybta guud ee Gobalka Banaadir
Guddiga xalinta dhacdadii Garoowe oo Warmurtiyeed soo saaray
Maxaabiis dagaal oo Ukraine u dhashay oo la sii daayey

Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye, oo uu wehliyo ku xigeenkiisa mudane Cali Daahir Ciid, ayaa maanta shir guddoomiyey shirka usbuuclaha ah ee Golaha wasiirada.

Ajandaha kulanka maanta ayaa ku saabsanaa soojeedinta & ansixinta Miisaaniyada Dowlad Goboleedka Galmudug ee 2020.

Wasiirka wasaarada Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa golaha u soo bandhigtay ku talagalka miisaaniyadeed ee 2020.

Dood iyo falanqeyn kadib, golaha wasiirada ayaa si aqlabiyad ah ku ansixiyay miisaaniyada 2020 oo gaaraysa 17,230,054.00 ( todobo iyo toban malyan, laba boqol iyo soddan kun, iyo konton iyo afar doolar).

Miisaaniyada sanadkii 2018 ayaa aheyd 8 milyan, waxana la kordhiyay in ka badan 50%.
Madaxda cusub ee Galmudug waxaa ka go,an abuurida kaabayaal iyo ilo dhaqaale si loo gaaro isku filnaan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: