Golaha Qurbajoogta Puntland oo Shir Sannadeedkiisa 2009 ku Qabanaya Minnesota.

Minneapolis, Sept 10 – Guddiga Isgaarsiinta & Xiriirka Bulshada ee Golaha Qurbajoogta Puntland ‘Puntland Diaspora Forum’ waxaa uu ku wargelinayaa xubnaha joogtada ah ee golaha iyo bulshada Puntland in 9-ka, 10-ka, iyo 11-ka bisha October, 2009 lagu qaban doono Minneapolis shir sannandeedka ‘Annual General Meeting’ ee Golaha Qurbajoogta Puntland.

Ujeedada shir sannadeedka golaha waxaa ka mid ah:
i) Doorasho hoggaan mustaqbal ee golaha,
ii) Gorfayn iyo daahfur xogo iyo macluumaad ka tarjuma dhabta Puntland, isuguna dhafan horumar siyaasadeed, bulsho, dhaqan-dhaqaale, iyo hanasho hay’ado dawli ah oo ku salaysan maamul-wanaag iyo talo-wadaag.

Mawaadiicda lagu gorfayn doono shir sannadeedka golaha, waxaa ka mid ah:
i) Siyaasadda Somaliya ee xilligan, iyo nidaamka federaaliga ah,
ii) Maalgelin hay’adaha amniga, cirib tirka burcad badeeda, daryeelka bii’ada,
iii) Hamuun hay’ado dawli ah oo ka duula haykal maamul-wanaag & talo-wadaag,
iv) Dawrka haweenka ee horumarka Puntland, iyo u barbaarin dhallintu in ay noqdaan wakiilo is-bedal,
v) Horumarin dhaqan-dhaqaale,
vi) Horumarin caafimaad,
vi) Horumarin tacliin sare.

Shir sannadeedka golaha ayaa waxaa ka soo qayb gali doona wafti ka kooban wasiiro oo ka socda dawlada Puntland, wufuud matalaysa cutubyada golaha ee dunida, wakiilo ka socda bulshada rayadka ah, ashkhaas iyo hay’ado daneeya shu’uunta Somaliya, indheergarad, xirfadley, iyo qubane intuba daneeya danta Puntland, iyo tan Somaliya.

Hoggaanka golaha ayaa bulshada u soo bandhigi doona waxqabadkii golaha ee 2-dii sano ee la soo dhaafay, la-kulamadii sooyaalka golaha, yoolka uu hiigsanayo goluhu, iyo hanka golaha ee mustaqbalka.

Shirkii kan ka horeeyey ee golaha ee lagu qabtay Toronto, Canada ayaa lagu go’aamiyey in shir sannadeedka 2009 lagu qabto Minneapolis, MN.

Shir sannadeedka 2009 waxaa martigelinaya cutubka MN ee Golaha Qurbajoogta Puntland.


Haddii aan u baahato macluumaad siyaada ah, oo ku saabsan shir sannadeedka golaha, ama Golaha Qurbajoogta Puntland, fadlan la xiriir:
Eng. Maxamuud J. Xaamud
Email: [email protected]
Taleefon: 1.507.250.5925

Ama Guddiga Isgaarsiinta & Xiriirka Bulshada
[email protected]

Guddiga Isgaarsiinta & Xiriirka Bulshada
Golaha Qurbajoogta Puntland
[email protected]

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com