Golaha Guurtida: Loolanada Xooggan ee La Isku Muquuninayo iyo Waxyaabaha Laga Filayo Fadhigga Maanta.

Hargeysa, Sept 22 – Gurmad xooggan oo lagu daminayo khilaafka siyaasadeed ee dalka ka aloosan, ayaa si xawli ah uga socda caasimada Hargeysa, iyada oo ilaa xalay kooxo sallaadiin ahi iska dabqaadayeen madaxtooyada Somaliland iyo xisbiyada mucaaridka ah. Warbixin xiiso leh oo bahda Jamhuuriya ka diyaariyeen jawiga ku xeeran Guurtida.


Golaha Guurtida: Loolanada Xooggan ee La Isku Muquuninayo iyo Waxyaabaha Laga Filayo Fadhigga Maanta.

– Xildhibaano masiirkii ummadda ku iibsanaya lacag iyo bangiga Dhexe oo ilaa Xalay albaabadu u furnaayeen

-Gurmadka lagu daminayo khilaafka Cakiran ee dalka oo iska soo daba dhacaya min Boorama Ilaa Burco iyo ergooyinkii kala duwanaa oo u midoobaya hawlaha dhexdhexaadinta

-Sallaadiin Xalay oo dhan iska dabqaadayey madaxtooyada iyo xisbiyada mucaaridka ah

-Muddo kordhinta Raayale iska damaaciyey, baaqyada arrintaa laggaga soo horjeeedo iyo dareennada xaasaasiga ah ee dadku ka qabaan

Warbixin xiiso leh oo bahda Jamhuuriya ka diyaariyeen jawiga ku xeeran Guurtida

Gurmad xooggan oo lagu daminayo khilaafka siyaasadeed ee dalka ka aloosan, ayaa si xawli ah uga socda caasimada Hargeysa, iyada oo ilaa xalay kooxo sallaadiin ahi iska dabqaadayeen madaxtooyada Somaliland iyo xisbiyada mucaaridka ah.

Kulamo googoos ah ayey ergooyinka dhexdhexaadintu la yeesheen madaxweyne Rayaale, guddoomiyayaasha xisbiyada mucaaridka ah iyo Guurtida, kuwaasi oo ujeedadoodu ku qotontay sidii la isugu soo dhawayn lahaa dhinacyada khilaafku ka dhexeeyo, islamarkaana loo hakin la ha muddo kordhinta xukuumadu maagan tahay iyo mooshinada horyaala Golaha Wakiilada si fursada loo siiyo dedaalada xaalada lagu dejinayo ee socda.

Iyada oo ay sidaa tahay, ayaa waxa hadana dhinaca kale barbarsocda olole xooggan oo xukuumaddu ugu jirto sidii Golaha Guurtidu muddada xilka ugu kordhin lahaayeen madaxweyne Rayaale iyo ku-xigeenkiisa, iyaga oo lacag iyo guubaabo kala duwan u adeegsanaya meel marinta hadafkooda, taasi oo ay naawilayaan in fadhiga maanta ee Golaha ama fadhiyada kale ee soo socdo loo hirgeliyo ka hor inta aan la gaadhin 27 September 2009 oo ah maalintii loo qoondeeyey in doorashada madaxtooyadu dhacdo.

Xisbiyada mucaaridka, ayaa iyaguna qudhoodu aan dedaalka ay ku baajinayaan muddo kordhin Rayaale loo sameeyo yaraysan, waxayna geed dheer iyo mid gaabanba u fuuleen sidii ay mudanayaasha Guurtida uga heli lahaayeen cod lagu horjoogsado muddo kordhinta Raayale.

Hadaba dedaaladaas xooggan ee socda iyo arrimaha kale ee xaasaasiga ee ku xeeran, waxa u kuur galay weriyayaasha Jamhuuriya oo idiinka diyaariyey warbixintan xiisaha badan, iyaga oo soo xiganaya ilo xogogaal ah oo aad ugu dhuun daloola loolanada kala duwan ee socda, maadaaba aanay dhinacyadu ka soo saarin wax war ah oo rasmi ah.

Gurmadka lagu daminayo khilaafka Cakiran ee dalka oo iska soo daba dhacaya min Boorama Ilaa Burco iyo ergooyinkii kala duwanaa oo u midoobaya hawlaha dhexdhexaadinta

Ergooyin kala duwan, ayaa la sheegay inay shalay ka kala yimaadeen magaalooyinka Burco iyo Boorama oo ay ka soo kala jeedaan madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin iyo Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee KUMLMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), kuwaasi qorshaha safarkooda Hargeysa la xidhiidho sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen daminta khilaafka cakiran ee dalka ka taaggan oo maalinba maalinta ka dambaysa sii adkaanaya, iyada oo aanay muuqan wax isku soo dhawaansho iyo tanaasul ah oo ka muuqda dhinaca khilaafka siyaasadeed ku lugta leh.

Waxayna wararka meelo kala duwan oo lagu kalsoonyahay Jamhuuriya ka soo gaadhay caddeeyeen in shalay qaybaha kala duwan ee ergooyinka dhexdhexaadintu kulan ku yeesheen Hargeysa, iyaga oo isku raacay in la mideeyo ergooyinka ku hawlan dhexdhexaadinta dhinacyada khilaafka siyaasadeed ka dhexeeyo, si aanay hawlahaasi u docfaruurmin oo qoloba dhinaceeda faro madhnaan ula hoyan.

Ergada ka timi dhinaca magaalada Boorama oo u badan culimo, waxa hoggaaminaya Sheekh Cabdillaahi Sheekh Cali Jawhar, halka qolooyinka ka soo kicitimay dhinaca Burco aan si rasmi ah loo ogayn cida hoggaaminaysa, waxayna ergooyinkaasi isku soo xilqaameen sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen xalinta murranka siyaasadeed ee Somaliland hadheeyey, waana laga war sugi doonaa halka ay arrimuhu saldhigtaan.

-Sallaadiin Xalay oo dhan isaga dabqaadayey madaxtooyada iyo xisbiyada mucaaridka ah

Kooxda salaadiinta ah ee ku jirtay dhexdhexaadinta hoggaamiyayaasha Somaliland ee murranka siyaasadeed ka dhexeeyo, ayaa xalay isaga dabqaadayey madaxweyne Rayaale iyo xisbiyada mucaaridka ah si ay u suurto galiyaan kulan ay isugu keenayaan oo qorshuhu ahaa inuu maanta qabsoomo.

Salaadiintu waxay xalay abaaro 7:00 fiidnimo kulan la yeesheen Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), iyaga oo u gudbiyey qoraal ay kaga codsanayaan inuu ka soo qaybgalo kulan la doonayo in la isku soo horfadhiisiiyo madaxweyne Rayaale iyo hoggaamiyayaasha xisbiyada mucaaridka, balse waxa dhacday in Axmed Siilaanyo shuruudo ku xidhay wada hadal ay isku soo horfadhiistaan Daahir Rayaale, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen in la soo daayo dadkii loo xidhxidhay mudaharaadkii Hargeysa ka dhacay, in ergooyinku noqdaan qaar dhex ah oo si cadaalad ah ugu garsoori kara dhinacyada is haya iyo in laga wadahadlo goobta kulanku ka qabsoomayo, isaga oo Axmed Siilaanyo ka gaws adaygay inuu qasriga madaxtooyada kula kulmo madaxweynaha.

Kulankaa ka bacdi waxay salaadiintu u baqooleen dhinac madaxtooyada si ay shuruudaha mucaaridka ugu gudbiyaan Rayaale, lamina oga ilaa hada natiijada kulanka salaadiinta iyo madaxweynaha, basle waxa la filayaa inay salaadiintu maanta u soo bandhigaan natiijada wadahadalii ay dhinacyada khilaafku ka dhexeeyo kala kulmeen ergada u midawday dhexdhexaadinta oo ay qayb ka yihiin.

Xildhibaano masiirkii ummadda ku iibsanaya lacag iyo bangiga Dhexe oo ilaa Xalay albaabadu u furnaayeen

Sida ay mudanayaal ka tirsan Guurtida oo ka gaabsaday in magacyooda la sheego xalay Jamhuuriya u xaqiijiyeen, xukuumada, ayaa dhaqaale badan ku bixinaysa meelmarinta muddo kordhin Guurtidu Rayaale u sameeyaan, waxaana socda dhaqdhaqaayo xooggan oo qaar ka mid ah xildhibaanada Guurtida lagu soo jiidaanayo si loo heli tirada muddo kordhintu ku ansixi karto, waxayna ilaha Guurtida ku dhawdhawi xaqiijiyeen in bangiga dhexe ee Somaliland xalay u furnaa ololaha lagu daabulayo lacagaha lagu iibsanayo mudanayaasha, iyada oo la sheegay in xildhibaankiba loogu balanqaaday lacag qadarkeedu dhan yahay shan kun oo doolar ($5000).

Arintaasi oo nasiib daro weyn ku ah dadka ay metelaan xildhibaanada muddo kordhinta Rayaale dhaafsanaya masiirkii ummadu lahayd, iyada oo loo adeegsanayo xoolihii dadka ka dhexeeyey oo shaqaalaha dawladu ka mushar la?yihiin, taasina waxay ceeb iyo naanays aan hadhin ku noqon doontaa ragga Guurtida ka tirsan ee laaluush ku qaata meel marinta tallaabo sharciyadeeda lagu murransanyahay.

Muddo kordhinta Raayale iska damaaciyey, baaqyada arrintaa laggaga soo horjeeedo iyo dareennada xaasaasiga ah ee dadku ka qabaan

Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo laba jeer Guurtidu u kordhisay, kadib markii ay dhammaatay mudadii xilkiisu, ayaa hadana mar saddexaad waxa uu u findhicilanayaa sidii ay Guurtidu ugu samayn lahayd muddo kordhin cusub oo aan wakhiteega la garanayn, madaama muddo xileedkiisu gabaabsi yahay, islamarkaana Komishanka doorashooyinku ku dhawaaqeen in aanay suurto gal ahayn doorashada madaxtooyadu inay qabsoonto 27 September 2009.

Inkasta oo ay tallaabadaa xoog uga soo horjeedaan xisbiyada mucaaridka oo iyagu caddeeyey in aanay sinaba u aqbalayn muddo kordhin mar saddexaad loo sameeyo Rayaale, waxayna arrintaa u cuskanayaan heshiiskii u dambeeyey ee saddexda xisbi kala sexeexdeen ee ahaa in hadii doorashadu ku qabsoomiweydo aanay Guurtidu u kordhin Karin madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.

Xukuumadda iyo xisbigeeda UDUB, ayaa iyaguna ku doodaya in muddo kordhintu tahay shay dastuuri ah oo waajibaadkeedu sarran yahay Golaha Guurtida, sidaa daraadeedna loo baahan yahay in iyada oo dastuurka la tixgelinayo la sameeyo muddo kordhin saddexaad.

Waxa kale oo arrintaa barbar socda baaqyo xooggan oo ka soo baxaya waxgaradka dalka iyo ergada dhexdhexaadinta oo iyagu soo jeediyey in aan lagu degdegin muddo kordhin loo sameeyo madaxweynaha, islamarkaana fursad la siiyo dedaalada loogu jiro furdaaminta khilaafka taaggan, waxayna ka digeen khatarta ka dhalan karta go;aan aan la isla qaadan oo Guurtidu kelideed gaadho.

Dadweynaha reer Somaliland, ayaa iyaguna dhinacooda wadnaha farta ku hayaa, waxayna ka werwersan yihiin halka uu saldhiggan doono khilaafka soo jiitamay ee hadheeyey golayaasha qaranka, darreeno xaasaasi ah ayeyna ka qabaan muddo kordhin Guurtidu u samayso Rayaale iyo xukuumadiisa, iyaga oo ka cabsi qaba in arrintaasi baadrool ku sii shubto khilaafka hursan ee dhexmiranaya hoggaamiyayaasha dalka.

Fadhiga Guurtidu maanta yeelanayso, ayaan ilaa hada si rasmi ah loo hubin ajandaha la horkeeni doono, iyada oo wararku sheegayaan in la fili karo muddo kordhinta Rayaale oo mudanayaasha lagaga naxsado iyo in arrintaa dib loo riixo, iyada oo la tixgelinayo waanwaanta socota, inkasta oo la sheegay in xildhibaanada Guurtida ee dabada ka riixaya muddo kordhinta Rayaale uu ku jiro baqe xooggan maadaama oo ay heleen hanjabaado kaga yimi rag ka mid ah reeraha ay ka soo jeedaan.

Si kastaba ha ahaatee waxa indhaha lagu hayaa, islamarkaana diiradu saran tahay Golaha Guurtida Somaliland tallaabada ay maalmaha iyo saacadaha soo socda ku dhaqaaqi doonaan.

Il. jamhuuriya.info

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com