Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay oo qaraar cusub oo dalbanaya xabbad-joojin degdeg ah

HomeWararka

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay oo qaraar cusub oo dalbanaya xabbad-joojin degdeg ah

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meelmariyey qaraar cusub oo dalbanaya xabbad-joojin degdeg ah oo ka hirgasha marinka Qaza, inta lagu guda ji

Cabdi Qaybdiid: Khilaafka madaxda dowladda iyo dowlad goboleedyada waxa uu caqabad ku yahay dib u eegista Dastuurka (daawo)
Taliyaha Qeybta Gobalka Bari: ” Qofkii gurigiisa ka kireeya qof argagixisa ah gurigisa Dowladda la wareegaysa
Warka Fiidnimo iyo Xasan Heykal, Daljir Bossaso (dhegayso)

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meelmariyey qaraar cusub oo dalbanaya xabbad-joojin degdeg ah oo ka hirgasha marinka Qaza, inta lagu guda jiro bishan barakaysan ee Ramadan, taas oo haatan maraysa kala bar.

Qaraarkan ayaa sidoo kale dalbanaya in si degdeg ah oo bilaa shuruud ah loo sii daayo dhammaan la haystayaasha, lana qaado dhammaan caqabadaha la hordhigay gargaarka bini’aadanimo iyo in bedqabka dadka rayidka ah ee Qaza

Qaraarkan ayay soo diyaariyeen 10-ka xubnood ee meertada ah ee ku jira golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaana meelmariyey 14 dal, halka Maraykanku uu ka aamusay, taasoo fududaysay in qaraarkani dhaqangalo.

Waa markii sideedaad ee golaha ammaanku isku dayo inuu qaraar xabbad-joojineed ka soo saaro dagaalka Qaza, hase ahaatee intooda badan wuu ku guuldaraystay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: