Gobolka Bari oo ku guulaystay tartanka ciyaaraha kubadda cagta ee Puntland, 2009.

Garowe, Dec 22 – Ciyaartii finaalaha ahayd ee galabta dhaxmartay gobollada Sool iyo Bari ayaa soo gaba-gabawday, waxaana ku guulaystay hanashada koobka ciyaaraha gobollada Puntland ee sanadkaan xulka kubadda cagta ee gobolka Bari kadib markii ay 2-0 ugu awood sheegteen xulka gobolka Sool.

Inkastoo oo aysan ciyaartu si caadi ah u dhammaan oo ay xulka gobolka Sool garoonka ka baxeen ciyaarta oo wali socota laguna leeyahay labo gool halka iyaguna ay aysan wax gool ah la imaan, haddana guddiga ciyaaraha ayaa ku dhawaaqay in uu guulaystay gobolka Bari sidaasna ay ku qaateen koobkii loo tartamayey ee ciyaaraha gobollada Puntland.

Haatan garoonka Mire Awaare waxaa ka socota xaflad ballaaran oo koobka lagu guddoonsiinayo xulka gobolka Bari, taasi oo ay goob joog ka yihiin mas’uuliyiin badan oo ka tirsan dawladda Puntland oo ay ka mid yihiin wasiirka dhallinta iyo isboortiga iyo xubno kale oo iskugu jira golayaasha dawladda, maamulka gobolka iyo midka degmada Garoowe iyo dadweyne aad u tiro badan.

C/fitaax Cumar Geeddi,
Idaacadda Daljir.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com