Gen. Cadde ?Ammaanka Puntland halaga shaqeeyo, hadda ma mudna in la kala aamuso? (Dhegeyso)

Qardho, August 20, 2013 – Madaxweynihii hore ee Puntland Gen. Maxamuud Muuse Xirsi ayaa ka hadlay arimo badan oo wakhtigan ka jira deeganada Puntland, xili uu ka qeyb-galay shir lagu sagootinayey oo ka dhacay Qardho.

Wuxuu sheegay madaxweynihii hore Cadde Muuse in aysan muhiim ahayn wakhtigan in la kala aamusnaado, iyadoo loo diyaar-garoobayo shirkii Isimada ee ka dhici lahaa Qardho iyo doorashadii Puntland ee sanadka dambe.

Madaxweynihii hore ee ?Puntland? Gen. Cadde Muuse wuxuu ku baaqay in loo baahan yahay in la fur furo xaalada siyaasadeed ee wadanka, ka horta inta aan la gaarin wakhtiga doorashada, wuxuu ugu baaqay maamulka in ay is bedel sameeyaan.

Docda kale madaxweynihii hore ee Puntland wuxuu sheegay in ay muhiim tahay in laga wada-shaqeeyo amaanka guud, wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay xaalado amaan daro oo ka jira inta u dhexeysa Boosaaso iyo Qardho.

?

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Dhegeyso hadalka Gen. Cadde Muuse uu ka jeediyey kulan ka dhacay Qardho.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com