Ganacsade somaali ah oo lagu dilay dalka koonfur africa

HomeWararka

Ganacsade somaali ah oo lagu dilay dalka koonfur africa

Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa waxaa Gudaha dalkaas ay ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa Soomaalida ku ganacsada dalkaas, xilli uu

Baraarugga Hawenka taxanaha 138AAD Daljir BBCMA?
Wasiiradii Kalsoonida Waayey ee Puntland oo Maalintii 2aad Waxqabadkooda Soo Bandhigaya (dhegayso)
Kulan Su’aalo lagu Waydinayeey Wasiirka Maaliyadda Puntland oo Garowe Kadhacay (dhegayso)

Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa waxaa Gudaha dalkaas ay ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa Soomaalida ku ganacsada dalkaas, xilli uu ku jiray howshiisa Shaqo.

Kooxda ayaa ku weerartay muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Cabdiraxmaan Raabi Sheekh Goobtiis Ganacsi oo ku taalla Magaladda East london ee Gobolka Eastern Cape ee Wadanka koonfur Afrika.

Kooxdii Burcada aheyd iyo muwaadinka Soomaaliyeed ayaa waxaa la sheegay in uu dhexmaray muran xoogan taas oo keentay in Burcada ay dilaan Muwaadinka Soomaaliyeed,iyaga oo intaasi kadib goobta ka baxsaday.

Waa qofkii labaad oo Soomaali ah oo lagu dilo dalka Koonfur Afrika tan iyo markii la guda galay Bisha Barakeysan ee Ramadan,waxaana maalin ka hor Magaalada Cape Town lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Xasan Cabdi Maxamed (Xasan Bile)

Dalka Koonfur Afrika ayaa sanadkan 2019 waxaa kusii kordhaya dilalka loo geysanayo Soomaalida ku Ganacsata,waxaana weli jirin cid isku-dayday inay ka hor tagto dilalkaas ee labada dal ee Soomaaliya iyo Koonfur Afrika.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: