Maamulka Galmudug oo ku dhawaaqday inuu fashilmay Shirkii Garowe (War Saxaafadeed)

Maamulka Galmudug oo ku dhawaaqday inuu fashilmay Shirkii Garowe (War Saxaafadeed)

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ku dhawaaqday inuu fashilmay shirkii Wadatashiga ee shantii maalmood ee la soo dhaafay uga socday magaalada Garowe Madaxda dowladda Federaalka iyo Madaxda dowlad Goboleedyada.

War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay diiday inay ixtiraamto heshiiska Jabuuti ee u dhaxeeyay Galmudug iyo Maamulka Gobollada Dhexe ee Ahlusuna.

Sidoo kale War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka ay qaaday tallaabooyin ay ku xagal daacisay ajandayaashii loo madlanaa sida sharciga Doorashooyinka, Batroolka iyo arrimaha Dastuurka, isla markaana hoggaanka dowladda aysan rabin wadashaqeyn dhex marta dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, si xal looga gaaro arrimaha Masiiriga u ah mustaqbalka dhismaha Nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • Mustafa Mohamed 5 years ago

    Maamul GOBOLEEDYADU WAA XOOGAA CALOOSHOOD U SHAQAYSTAYAAL AH MAAMULADOODUNA WAX SHARCI AH KUMA SALAYSNA EE WAXAY KU SALAYSAYIHIIN QABYAALAD….. PUNTLAND
    WAXAY METESHAA
    QAYB DAAROodKA KA MID AH GALMUDUG WAXAY METASHAA HABAR GEDIR JUBA LAND WAXAY METESHO LAMA YAQAAN WAAYO AXMED MADOOBE WAA REER ITOOBIYA
    Baydhabona waxay METESHAA RRa iyo wixii soo raaca.
    Arinta kale ee cajiibka ah ee aan aduunka lagu arag waxay tahay inay is horfadhiistaan dawladii wadanka oo dhan xukumaysey iyo gobolada
    Goboladu waxay hoostagaan dawlda federaalka sidaa owgeed ma hor fadhiisakaraan dawlda.
    Soomaaliya ha la rabo in ay hagaagto kow waa in la burburiyaa nidaam federalka lagu sheegayo.
    Maamul goboleedku ha dhaco.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com