Galmudug oo go’aankii Wasaaradda Arrimaha Gudaha DFS qaadacday

HomeWararka

Galmudug oo go’aankii Wasaaradda Arrimaha Gudaha DFS qaadacday

Wasaaradda arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa xalay shaacisay Habraaca Guud ee doorashooyinka dowlad goboleedyada,hayee Go’aankaas Wasaaradda

Dowladda Mareykanka oo shaacisay siyaasaddeeda Afrika
Guddoomiyaha Difaacaha Xuquuqul Aadanaha Puntland oo ka hadlay xariga Muuse Cali Jaamc (dhegayso)
SSC-Khatumo Council of Elders meet Ethiopia Delegation in Garoowe

Wasaaradda arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa xalay shaacisay Habraaca Guud ee doorashooyinka dowlad goboleedyada,hayee Go’aankaas Wasaaradda ayaa waxaa kasoo horjeestay Maamulka Galmudug.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug Burhaan Maxamed Samatar ayaa sheegay in aan lagala tashan Warqada kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ee ku saabsan doorashooyinka,isla markaana ay tixgelin siin weysay.

Waxa uu soo hadal qaaday hadalkii xalay kasoo baxay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal ee ahaa in doorashada Madaxweynaha Galmudug ay dhici doontaa Afarta Bisha July ee Sanadkan.,waxaana uu sheegay in Wasaaradda arrimaha Gudaha Soomaaliya ay meesha ka saartay awoodii doorashooyinka ku lahaayeen Dowlad goboleedyada.

Isaga oo la hadlayay Idaacadda BBC-da laanteeda afka Soomaaliga ayuu sheegay in xilliga doorashada Galmudug ay ka dhaceyso ay ku qoran tahay dastuurka Galmudug iyo heshiiskii Galmudug iyo Ahlusuna ee dalka Jabuuti.

Waa maamulkii ugu horeeyay ee kasoo horjeesta habraacad oorashooyinka dowlad Goboleedyada oo ay xalay soo saartay Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: