HomeUncategorized

Galgala: Fariisinkii ciidanka Puntland ee Galgala oo la qabsaday; Madaxda dawladda iyo saraakiisha ciidanka oo xaaladda ka shiraya.

Galgala, May 11 - Wararka ka imaanayaa tuulada Galgala ee gobolka Bari ayaa sheegaya in magaaladaasi ay gacanta u gashay, oo ay la wareegeen ciidamo

Jacob Zuma oo Waraaqaha Safiirnimo ka Gudoomay Safiirka Somalia ee Konfur Afrika
Dhagayso Caawa iyo Daljir Arbaco 28 – Sept – 2016 – Wariye Axmed Sh. Maxamed Tallman Studio Daljir Boossaaso
Hawlgallo ammaan oo ka socda Galkacyo & ciidanka oo dad u qabqabtay falalkii amni darro.

Galgala, May 11 – Wararka ka imaanayaa tuulada Galgala ee gobolka Bari ayaa sheegaya in magaaladaasi ay gacanta u gashay, oo ay la wareegeen ciidamo gacan-saar la-leh Al-shabaab. sidaasi waxaa Daljir u xaqiijiyey ilo-wareedyo ku dhadhaw madaxtooyada Puntland.

La-waregidda Galgala ayaa timid kaddib marki xalay saqdii dhexe weerar mir ah lagu qaaday ciidamada dawladda Puntland ee indhawaalaba fariisinka ku lahaa tuuladaasi muhiimka ah.

Waxaa jira khasaare aan la faahfaahin oo soo gaaray ciidamada Puntland, haatanna waxaa shir al-baabadu u xiran yihiin uu uga socdaa xarunta madaxtooyada madaxda sare ee dawladda iyo saraakiisha cidamada.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinac dawladda oo ay kaga hadlayso sida wax u dhaceen, waxaana dhinaca kale aad u yar in la helo dadka deegaanka isgaarsiinta oo liidata awgeed.

Dawladda Puntland ayaa horay deegaankaasi kula dagaallan tahay kooxo ay ku tilmaantay xag-jiriin xiriir la-leh Al-shabaab oo uu hoggaaminayay Maxamed Siciid Atam, caddaysayna in ay ka cirib-tirtay halkaasi, waxaana arrintaan ku soo beegmaysaa xilli madaxweynaha Puntland uu ku sugan yahay magaalada Bossaso.

Wixii faahfaahin ah oo ka soo kordha warkan kala socda radiodaljir.com

Diiwaanka wararka,
Idaacada Daljir. http://daljir.com/

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: