HomeUncategorized

Gacan ku dhiiglihii dilay Gudoomiye Maryacade oo maanta Baledweyn lagu toogtay (Dhegeyso)

Beledweyne, Aug 5, 2013 - Dilka toogashada ah oo lagu fuliyay Mukhtaar Xasan Maxamed oo da?diisa dhan tahay18 jir, ayaa waxaa uu qirtay in uu dilay allaha unaxariistee gudoomiyihii hore ee golaha odayaasha dhaqanka.

Dhagayso Wasiir Bashiir Gurxan: Dagaalka Dhabad waxaa ka dambaysa Galmudug, Shabaab iyo ciidanka DF oo wadajir ah
M/wayne Sheekh Shariif oo xilkii ka qaaday wasiirkii beeraha,dhirta iyo daaqa ahaana R/w kuxigeenka dowladda.
Prof. Axmed Muumin Warfaa, oo la-taliye sare u ahaa m/weyne Shariif oo is casilay.

Beledweyne, Aug 5, 2013 – Dilka toogashada ah oo lagu fuliyay Mukhtaar Xasan Maxamed oo da?diisa dhan tahay18 jir, ayaa waxaa uu qirtay in uu dilay allaha unaxariistee gudoomiyihii hore ee golaha odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan Sheekh Maxamed Xuseen Maryacde.

Mukhtaar Xasan Maxamed ayaa lagu soo qabtay hawlgalo ay ciidamada Soomaaliya ka sameeyeen magaalada baledweyne, kadibna waxaa loo gudbiyay Maxkamada Ciidamada Qalbka-sida, taasi oo uu markii dambe ka hor qirtay in uu gacantiisa ku dilay allaha unaxariistee Gudoomiye Marye-cade.

Goobta dilka qisaasta ah lagu fulinayey ayaa ahayd xerrada ciidamada Lama-gallaay ee beledweyne, waxaana kasoo qaybgalay dad weyne aad u faro badan, saraakiisha ciidamada, maamulka gobolka iyo kan degmada, sida uu Radio Daljir u sheegay taliyaha qaybta booliska baledweyne Col. Isaaq Cali Cabdulle

Col. Cabdulle ayaa sheegay ”Waxaa maanta la toogtay Mukhtaar Xasan oo ka tirsan al-shabaab, kaasi oo dil bareer ah u geystay gudoomiyihii hore ee golaha dhaqanka gobolka Hiiraan Maryacde, waxaana maxkamad ciidamada qalabka sida? la soo taagay 7/ 2/2013, isagoo qirtay danbiga ah in uu gacantiisa ku dillay Gudoomiyaha, waxaana danbiiluhu sheegay in baledweyne ay al-shabaab ugu soo direen in uu dilo nabadoonka”

Toogashadan lagu fuliyay Mukhtaar Xasan Maxamed, ayaa waxaa uu noqonayaa kii ugu horeeyey ee lagu fuliyo qof lagu soo eedeeyey dilal baledweyn loogu gaystay madax katirsan golaha dhaqanka ee gobolka Hiiraan.

?

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Dhegeyso war-bixin uu Mohamed Ali oo daljir ka tirsan arrintaas ka diyaariyey?

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: