Gabadha la dhalatay dhaxal suge Maxamed Bin Salmaan oo la maxkamadaynayo

HomeWararka

Gabadha la dhalatay dhaxal suge Maxamed Bin Salmaan oo la maxkamadaynayo

Boqorad Hassa Bint Salman oo ay walaalo yihiin dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan ayaa maanta oo Salaaso ah wajihi doonto

Kuraasta Garbahaaarey oo loo wareejiyey Degmada CeelWaaq ee gobalka Gedo
Walaaca dowladda iyo hardanka udhexeeya Al-shabaab iyo Daacish (dhegayso)
Madaxweynaha PL oo Kormeeray Xarunta Gobolka Mudug iyo Iskuulka Cumar Samatar.

Boqorad Hassa Bint Salman oo ay walaalo yihiin dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan ayaa maanta oo Salaaso ah wajihi doonto dacwado la xiriira xadgudub iyo inay ku weerartay dhibane u dhashay dalka Masar oo naqshadaynayay guriga ay ku leedahay galbeedka magaalada Paris ee caasimadda Faransiiska Avenue Foch sanadkii 2016kii.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka Reuters shaqaalaha guriga Ashraf Eid ayaa u sheegay booliska in waardiyaheeda uu gacmaha ka xiray, uuna ku qasbay in boqoradda cagaha ka dhunkado, isagoo dhaawac laga gaarsiiyay dhanka wajigeeda, waxaana boqoradda ay ku eedaysay inuu gurigeeda ku duubay moobilkiisa si’uu uga iibiyo warbaahinta caalamka.

“Dil eyga ayay tiri boqoradda Hassa”

Waardiiyaha ayaa la xiray, isagoona lagu soo oogay dacwad ah inuu hub isticmaalay iyo rabitaanka qof shaqsi banii’aadam ah inuu ka horyimid, waxaana Ashraf Ciid u sheegay booliska inuu garaacay, kadib markii boqoradda ay ku amartay inuu ula dhaqmo sida eyga oo kalle.

43 jirkan la dhalatay dhaxal sugaha Sacuudiga oo Faransiiska ka carartay ayaa iska fogaysay eedaymaha loo soo jeediyay, waxaana dhanka kalle qareenka u doodaya uu u sheegay warbaahinta in loo diiday inay muuqaal uga soo qaybgasho baaritaanka booliska oo la dhagaysto, balse waxaa ay ka baxsatay dalka Faransiiska oo ay hanti badan ku leeyihiin qoyska boqortooyada ee Sacuudi Carabiya.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: