Gaashaandhiga Soomaaliya oo qorshaynaya dib u qabashada xaruunta Bakool ee Xudur (Dhegeyso)

Muqdisho, December 9, 2013 – Dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa ku rajo wayn in ay la wareegto gacan ku haynta guud ahaan meelaha ay kooxda Al-shabaab kaga sugan tahay gudaha dalka Soomaaliya.

Wasiirka KMG ah ee gaashaandhiga Soomaaliya Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, waxaa uu sheegay in dowladdu ay diirada saarayso dib u qabashada deegaano badan oo ka maqan gacanta dowladda federaalka ah.

Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa diirada saaraya in ay gacanta ku dhigaan degmada Xudur ee xaruunta gobolka Bakool, halkaas oo ka mid ah meelaha muhiimka ah ee ururku ay gacanta ku hayaan.

?waxaan qorshaynaynaa in aan dib u qabsano xudur, si shacabkii halkaas ka baragkacay ay dib ugu noqdaan guryahooda iyo hantidooda.? Ayuu yiri mudane Fiqi

Wasiirka gaashaandhiga ee Soomaaliya ayaa si cad u sheegay in dowladdu ay doonayso in la isu furo guud ahaan gobollada kala duwan ee dalka, ?meelo yar ayey gacanta ku hayaan Al-shabaab, waan qabsanaynaa.?

Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore ku cel-celiyey in ay kooxda Al-shabaab ka qabsan doonaan meelo dhowr ah oo ay gacanta ku hayaan, dowladda ayaa kaashanaysa ciidamada dowladda AMISOM iyo kuwa Itoobiya oo taageera ciidamada.

Diiwaanka wararka

Radio daljir

Dhegeyso: – khadra degan oo war-bixin ka diyaarisay hadalka wasiirka gaashaandhiga ee Soomaaliya

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com