Gaas: “Waxaan si Gaar ah ugu Hanbalyaynayaa Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland”

Gaas: “Waxaan si Gaar ah ugu Hanbalyaynayaa Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland”

‘Ciid mubaarik, Ciid mubaarik, waxaan u hanbalyay nayaa ummada Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka reer Puntland meelkastay joogaanba, waxaan si gaara ugu hanbalyay nayaa ciidamada qalabka sida ee Puntland oo inoo suura geliyey inaan midnimo ku ciidno, nabad isugu nimaadno, farxadna ku ciidno, Puntland waa amni Illaahay fadligiisana ayay ku ahaatay, dabcan in badan oo ku dedaashay waa ay jirtaa in Puntland nabad ahaato dawladd iyo shacabba iyana waa ay mahadsan yihiin shaqadaa ay qabteen” ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

”Waxaan rabnaa marka in aanu amnigayaga sii xejisano, inaanu sii badhi taarno, inaanu sii adkaysano” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland oo ka hadlaya  inay jiraan cadaw u soo tafa xaytey khalkhal gelinta amniga Puntland, isla markaana ay loolan ugu jiraan sidii ay u carqaladayn lahaayeen xasiloonida dawladda Puntland.

” sidaad ka war-haysaanba cadawgeeni wuxuu loolan ugu jiraa inuu Puntland dhibaato ka suubiyo, laakiin waxaan u sheegayaa in Puntland iyo shacabkeeda oo isku duuban diyaar u yihiin inay dalkooda difaacdaan, waana ka adkaanaynaa Insha Allah xaqiiqaduna taa weeye, sababtoo ah baadil iyo xaqdaro ayay ku socdaan anana xaq ayaan ku taaganahay, Puntland cidna ma gardaraysato cidnana ma daandaansato, cidwalba oo wanaag iyo amni soo bidana waa ay soo dhoweysaa ” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Buurta: Warbixinta Xafiiska Madaxweynaha 

Masawirada Ciidda Garoowe

                

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com