Gaalkacyo: Masaajidka Salaaxu-diin oo la weeraray iyo mudaaharaad rabshado wata oo ka dhacay magaalada.

Gaalkacyo, April 16 – Inta la hubo hal qof ayaa ku dhintay siddeed kale oo dhaawac ahna waxa la geeyay Isbitaalka guud ee magaalda kadib markii caawa maqribkii weerar lagu ekeeyay masaajidka Salaaxu-diin ee xaafadda Garsoon iyada oo galabtana magaalada ay ka dhaceen dibad-baxyo rabshado wata.

Tiro aan la hubin ayaa dhimasahda ka dhigaysa saddex, qaarna waaba ay ka sii badinayaan. Lama yaqaan jihada qaaday weerarka, balse waxan shaki ku jirin in ay xiriir la leedahay dilkii maanta duhurkii la dilay Sheekh ismaaciil Xaashi Xuseen oo ahaa agaasimihii wasaaradda caddaaladda iyo awqaafta Puntland isla markaana ahaa waacid aad looga yaqaanno Puntland.

Dhinaca kalena dad bannaabxayaal oo ka caraysan dilkii loo gaystay alle ha u naxariistee agaasimihii aw-qaafta ee wasaradda caddaaladda iyo arrimaha diinta Puntland Sh Ismaaciil Xaashi Xuseen ayaa galabta oo Sabti ah iskugu soo baxay waddooyinka magaalada Galkacyo.

Bannaanbaxayaasha oo ahaa boqolaal qof oo u badan haween iyo carruur ayaa xiray waddooyinka magaalada gaar ahaan waddada laamiga ah ee dhaxmarta bartamaha magaalada, waxaana ay dhagxaan iyo dhalooyin ka buuxiyeen jidadka kala duwan ee magaalada, meelana waxayna ku gubeen taayirro.

Goobaha bannaanbaxayaashu ay hortooda xirteen kuna iftiimayeen damacooda iyo dareenka ay qabaan waxaa ka mid ahaa xarumaha dawladda sida xarunta maamulka gobolka, sadhigga ciidanka bileyska iyo sidoo kale xarunta qaybta bileyska ee gobolka Mudug, halkaasi oo ay dhigeen dhaxgaan iyo dhalooyin, ayna ka weeciyeen gaadiidkii hormari-jiray waddoyinka ku xeeran.

Dadka bannaabaxa astagada ah dhigayey ayaa ku dhawaaqayey hal ku dhigyo ay ku diidan yihiin falalka ammaan darro ee lagu ugaarsanayo wax ku oolka bulshada Galkacyo, uuna ugu danbeeyey dilkii alle ha u naxariistee Sh Ismaaciil Xaashi Xuseen oo maanta duhurkii qarax miino lagu dilay.

Dibad-baxayaasha oo laga dareemayey caro xooggan oo ka dhalatay dilalka aan dhammaadka lahayn ee magaalada Galkacyo ayaa si weyn u dhaliilay wax-qabadka dawladda ee gobolka Mudug gaar ahaanna magaalada Galkacyo iyagoo sheegay dawladdu in ay ka gaabisay gacan ku dhiggidda danbiilayaasha iyo amniga guud ee gobolkaba.

Ciidamada amniga oo isku dayey meelaha qaar in ay hor-istaagaan dibad-baxayaasha caraysan ayaa ku guul-darraystay hakinta ama joojinta bannaanbaxa, waxaana la arkayey mudaharaadayaasha oo meelkasta ka taagan xarumaha dawladda inkasta oo aysan wax dhibaato ah gaysan.

Isku soo baxaan galabta ee dadweynaha magaalada Galkacyo ayaa ka dhashay caro xooggan oo harsatay dadka magaalada Galkacyo kaddib markii siyaabo kala duwan oo dhammaantood gaadmo ah lagu dilay dad badan oo miisaan-weyn ku dhax-lahaa gobolka, kuwaasi oo aan illaa iyo haatan si rasmi ah loo aqoonsan cidda dilalkooda ka danbaysay.

Sikastaba ha ahaatee waa markii ugu horraysay oo dadweynaha magaalada Galkacyo ay ka gilgishaan dilalka joogta ah iyo qaraxyada ka dhaca magaalada Galkacyo iyo sidoo kale amniga sii xumaanaya, waxaana laga yaabaa tani in ay soo dadajiyo tallaabo lagu adkaynayo nabad-galyada oo laga hirgaliyo Galkacyo

C/fitaax C Geeddi
Radio Daljir

Wararka ugu dambeeya magaalada Gaalkacyo iyo xaaladdeeda kala soco radiodaljir.com


Sheekh caan ah oo lagu dilay Gaalkacyo iyo duqa magaalada oo dawladda ugu baaqay in ay soo faragaliso xaaladda.

Gaalkacyo, April 16 – Allaha u naxariistee waxa duhurkii maanta magaalada Gaalkacyo lagu dilay sheekh Ismaaciil Xaashi Xuseen oo ahaa sheekh waacid ah oo aad looga yaqaan magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan gobollada Puntland.

Sheekh Ismaaciil oo ahaa agaasimihii guud ee wasaaradda caddaaladda iyo awqaafta ee Puntland ayaa dilkiisa loo adeegsaday qaraxa meesha fog laga hago.

Qaraxa ayaa ka dhacay xarunta shikaddii STG ee magaalada Gaalkacyo, waxana sidoo kale halkaa dhaawacyo fudud ay ka soo gaareen laba nin oo la socday Sheekha geeriyooday.

Dareenka dadwaynaha magaalada Gaalkacyo aad u kacsan iyada oo loo isu diyaarinayo aaska marxuumka oo lagu wado in uu ka dhaco xarun-diineedka Heema oo qiyaasta 70 KM dhinaca waqooyi kaga beegan magaalada Gaalkacyo una dhow Bacaadwayn. Dad wayne caraysan oo koox-koox u socda ayaa dhex maraya magaalada illaa iyo haddana ma cadda in uu yahay isku soo bax qorshaydan iyo in uu yahay mid iskii isaga biloowday.

Ma jirto cid loo qabtay dilka sida u Daljir u sheegay duqa magaalada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Maxamudu X. Xasan, wuxuuna intaa ku daray in xaaladda magaaladu dhaaftay meel duq magaalo iyo ciidan magaalo wax ka qaban karo isaga oo dawladda dhexe u jeediyay in ay soo faragaliso xaaladda magaalada. Duqu waxa uu ku celceliyay in ay adagtahay in la sugo ammaanka magaalada Gaalkacyo bacdamaa ay ku taallo magaalo kala qaybsan.

Daljir kala soco wixii war ah ee ka soo kordha xaaladda Gaalkacyo iyo dilka Sheekh Ismaaciil.

Diiwaanka Wararka,
Idaacada Daljir.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com