HomeUncategorized

Finland oo xukunkii ugu horeeyay oo la xiriira Argagaxiso ku Riday dad Somali ah

Garacad, 24, March, 2016-(Daljir)_Maxkamadda Rafcaanka ee ku taalla caasimadda dalka Finland ee Helsinki waxay sii daayeen 4 qof oo Somali haysata dhalashadda dalkaasi, kuwaasi oo lagu so oogay inay Alshabaab u direen kharaj sannadihii 2008-dii iyo 2010-kii.

Wafti uu hoggaaminayo R/wasaare ku xiggeenka Turkiga oo ka qayb-galay xaflad furitaanka safaarada Turkiga ee Soomaaliya.
Midowga Europe oo canbaareeyey hoosu dhiga wax- deynsiga ee wakaalada Standard & Poor
DHEGEYSO-Barnaamijkii Caawa iyo Daljir iyo Khadar Cawl Ismaciil.
Garacad, 24, March, 2016-(Daljir)_Maxkamadda Rafcaanka ee ku taalla caasimadda dalka Finland ee Helsinki waxay sii daayeen 4 qof oo Somali haysata dhalashadda dalkaasi, kuwaasi oo lagu so oogay inay Alshabaab u direen kharaj sannadihii 2008-dii iyo 2010-kii.
 
Afarta Eedeysane ayaa lagu soo oogay  inay Lacago u xawileen Alshabaabka ku sugan dalalka Somalia iyo Kenya iyo inay dad u qori jireen Alshabaab.
 
Maxkamadda Rafcaanka ee Helsinki waxay laashay xukun ay Maxkamadda darajadda Hoose ee dalkaasi ku riday Eedeysanayaashaasi.
 
Maxkamadda Rafcaanka waxay sheegtay in xilligii Eedeysanayaasha lagu soo oogayey Dembigaasi inuusan falkaasi dambi ka ahayn Sharciga Finland, haddii aan la caddaynin in Lacagahaasi loo adeegsanayey falal Argagixiso.
 
Eedeysanayaasha waxay sheegeen inay Dhaqaalaha u diri jireen Hay’addo Samafal si loogu taageero dadka Soomaalida ee dhibaataysan.
 
Kharajka Guud ee ay Eedeysanayaasha direen ayaa la sheegay inay ahaayeen lacago yar, iyadoo mid ka mid ah uu diray lacag dhan 2,500 oo Dollar.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: