(DHAGEYSO) Amniga Garoowe oo laga wada hadlay.

Shir looga hadlayey Adkeynta amniga gobalka Nugaal, gaar ahaana caasumada dawladda Puntland ee Garoowe ayaa lagu qabtay magaalo madaxda, iyadoo ay ka qeybgaleen Taliska ciidamada Booliska Puntland & Kan gobalka Nugaal.

Taliyaha ciidamada Booliska ee Puntland Jeneraal Cabdirisaaq Maxamed Afguduud ayaa sheegay in looga baahan yahay dadweynuhu in ay qeyb ka noqdaan sidii wax looga qaban lahaa Amniga.

Jeneraalka ayaa codsadey in dadweynaha looga baahan yahay in ay si dhaw ula shaqeeyaan ciidamada Amniga, si looga hortago falalka amaan daro ee ay abaabuli karaan kooxaha lagu jabiyey dagaaladii u dambeeyey ee kadhacay Mudug & Nugaal.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com