Wafti uu hoggaaminayo R/wasaare ku xiggeenka Turkiga oo ka qayb-galay xaflad furitaanka safaarada Turkiga ee Soomaaliya.

Moqdisho, Nov, 26 ? Waxaa magaalada Moqdisho ee caasumada dalka Soomaaliya soo gaaray wafti uu hoggaaminayo kuxiggeenka raysal-wasaaraha dalka Turkiga, waxaana ay maantay ka qayb-qaateen furitaanka xaflad xariga looga jaraayo safaarad ay dawladda Turkigu ka furatay magaalada Moqdisho.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in kuxiggeenka raysal-wasaaraha Turkigu uu maantay sidoo kale dhagax-dhigay taawarka garoonka Moqdisho, taasi oo ay ku sharfeen madaxda dawladda dhexe ee Soomaaliya.

Socdaalka kuxiggeenka raysal-wasaaraha Turkiga waxaa ku wehliyay qaar kamida xubnaha golaha wasiirada Turkiga, waxaana Moqdisho ay maantay kulamo gaar gaar ah ay kula yeesheen madaxda safaarada Turkiga iyo saraakiisha ammaanka dawladda Soomaaliya.

21-sano kaddib waa markii ugu horaysay oo dawladda Turkigu ay dalka Soomaaliya ka samaysato xarun safaarad ah, waxaana tilaabadaan ay qayb-ka tahay dhiirigalinta dhanka ammaanka Moqdisho, oo lagu tilmaami karo mid soo hagaagaysa muddooyinkii ugu dambeeyay, inkastoo wali ay ka dhacaan qaraxyo iyo dilal gaad-mo ah oo ay ku faanaana kooxda Al-shabaab.

Diiwaank Wararka
Radio Daljir.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com