G. Saciid Dheere oo ka Hadlay Dagaalkii Puntland iyo Al-shabaab

Garacad, 24, March, 2016-(Daljir)_Taliyaha ciidanka qalabka sida ee Dawladda Puntland Jeneraal Saciid Maxamed Xirsi “Saciid Dheere” ayaa waxuu uu ka warbixiyay hawlgalkii lagu soo afjaray Kooxda Al-shabaab oo duulaan qaawan kusoo qaaday Deegaanada Xeebaha dhaca ee gobolada Mudug iyo Nugaal.
 
Siciid waxaa uu sheegay in kooxihii ay ciidanku jabiyeen, waxaana intaas uu raacshay in xaduudka Puntland ee dhanka Koonfurta Somalia laga saaray.
 
Generaalka ayaa hambalyo u diray dhammaan ciidanka qalabka sida ee dawladda Puntland, isagoona ku tilmaamay halyeeye.
 
Alshabaab ayuu sheegay in sanadahaan aysan soo weerarayn Puntland ayna arkeen awooda ciidan ee PL, ay u leedahay iska difaaca cadowga soo weerara dhulkeeda.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com