HomeUncategorized

Midowga Europe oo canbaareeyey hoosu dhiga wax- deynsiga ee wakaalada Standard & Poor

Brussels,Jan 14 -Sarkaalka ugu sareeye dhinaca dhaqaalaha ururka Midowga Europe ayaa cambaareeyey tallabada ay ku dhaqaaqday wakaaladd go?aamisa xaddiga wax lagu deynsado ee loo yaqaan Standard and Poor , oo iyadu hoos u dhigtay heerarka wax deynsiga ee sagaal dal oo ka tirsan dalalka suuqa dhaqaale ee aagga Euro.

Madaxweynaha ”Sports-ku Waxa UU Fududeeyaa Isdhexgalka Bulshada”.
Golaha wasiirada Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan aan caadi ahayn
Caawa iyo Daljir, Isniin Nov 26-2012, Maxamed Cabdilaahi Cali (Kooshin) _Daljir Garoowe.

Brussels,Jan 14 -Sarkaalka ugu sareeye dhinaca dhaqaalaha ururka Midowga Europe ayaa cambaareeyey tallabada ay ku dhaqaaqday wakaaladd go?aamisa xaddiga wax lagu deynsado ee loo yaqaan Standard and Poor , oo iyadu hoos u dhigtay heerarka wax deynsiga ee sagaal dal oo ka tirsan dalalka suuqa dhaqaale ee aagga Euro.

Madaxa arimaha dhaqaalaha ee Midowga Yurub Olli Rehn ayaa sheegay in tallaabada Stnadrad and poor ay tahay mid aan la isku waafaqsanayn , islamarkaana dalalka aagga Euro ay qaadayaan tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu soo afjarayo mashaqada deymaha ee dalalka aagga Euro.

Saraakiil sarsare oo reer Europe ah ayaa sidoo kale si kulul u deedafeeyey tallaabada ay qaaday wakaalada Standard and Poor .

Maalintii jimcaha ayey ahayd markii wakaalada goysa heerka wax deynsigu ay sagaal dal oo European ah hoos uga dhigtay heerka wax deynsiga ee AAA, waxana dalalkaasi ka mid ah France Italy, Spain, Qubroos ,inkastoo dalka Germany uu sii haysto heerkiisi hore ee AAA.

Wasiirka maaliyadda ee dalka Faransiiska Francois Baroin ayaa sheegay in dhuminta dalkiisa ee heerka AAA aanay ahayn arin masiibo ah, waxana uu tilmaamay in France ay weli haysato heerka AA+.

Markii ay soo baxeen wararka hoos u dhiga heerarka wax deynsiga ee dalalka aagga Euro ayaa waxaa hoos u dhacay suuqyada bedeecadaha, inkastoo lasoo sheegay inay dib u yara sarakeceen xilli dambe.

Diiwaanka Wararka
Daljir.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: