HomeUncategorized

Federaalka oo shaqada ka joojinaya hay?adaha gargaarka Hiiraan ee aan muujin shaqadooda (Dhegeyso)

Beledweyne, August 20, 2013 - Hay?adaha ka shaqeeya howlaha kala duwan iyo kuwa gargaarka ee gobolka Hiiraan ayaa lagu eedeyey in aysan waxba ka qaban gobolka oo ay ku tunteen xuquuqda shacabka.

Bannaanbax lagu cambaaraynayey dhakhatar la dilay oo ka dhacay Caabudwaaq (Sawiro)
?Dawlada federaalka ah ee Somaliya oo sheegtay in ay mashaariic horumarineed ka fulinayso dalka.
Dowladda Soomaaliya oo go?aamo adag ka soo saartay colaadda dhul-beereedka ee gobolka Hiiraan

Beledweyne, August 20, 2013 – Hay?adaha ka shaqeeya howlaha kala duwan iyo kuwa gargaarka ee gobolka Hiiraan ayaa lagu eedeyey in aysan waxba ka qaban gobolka oo ay ku tunteen xuquuqda shacabka, eedayntaasi waxaa jeediyey maamulka dowladda federaalka ah ee gobolkaas.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdi faarax (Laqanyo) ayaa hay?adaha ku eedeyey shaqo xumo iyo fadhiidnimo, wuxuu intaas ku daray in gobolka joogaan ilaa 60 hay?adood oo kuwa gargaarka ah oo aan wax shaqo ah fulin.

Mudane Laqanyo wuxuu shaaciyey in ay dhowaan la kulmeen madaxda hay?adaha gargaarka ee gobolka, kuwaasi oo loo soo bandhigay in soo gudbiyaan waxqabadkoodii caadiga ahaa, balse hay?adaha ayaa ka gaabsaday halka qaarna ay si cad u diideen.

Maamulka dowladda federaalka ah ee gobolka Hiiraan waxay ku amreen hay?adaha in ay muddo toddobaad ah ku soo gudbiyaan waxqabadkooda, Cabdi faarax Laqanyo wuxuu sheegay in ay talaabo buuxda ka qaadi doonaan hay?adaha aan keenin cadaynta waxqabadkooda.

Qeybaha kala duwan ee bulshada gobolka Hiiraan ayaa si heer sare ah u soo dhoweeyey amarka dhinaca hay?adaha ee la xiriira gobolka Hiiraan, qeybaha kala gedisan ee gobolkaas kama muuqdaan daryeelo iyo waxqabad ay hay?aduhu fuliyeen sida wararku sheegayaan.

?

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: