EU oo iclaamiyey dagaal kale oo ka dhan ah Burcad badeeda ilaa Soomaaliya ka helayso nabad buuxda

Brussels, July 17- 2013 – Ururka midowga Yurub ayaa mar kale war-bixin ka soo saaray arimaha Burcad badeeda Soomaalida ee ay dagaalka kula jireen mudada dheer, iyado ururkaasi uu ku baaqay dagaal cusub oo ka dhan kooxdaas.

Shir jaraa?id uu qabtay madaxa adeegyada debeda ee midowga Yurub wuxuu sheegay in ururka uu Soomaaliya kala shaqaynayo nabad iyo xasilooni ka dhalata dalkaas, sidaas darteed wuxuu sheegay in midowga yurub ay sii wadi doonaan howgalka Burcad badeeda.

“Ilaa xaalada ay ka hagaagayso waan sii wadi doonaan weerarada ka dhanka ah burca badeeda, la iskuna haleyn karo dhulka biyaha Soomaaliya” ayuu yiri sarkaalka u hadlay midowga Yurub.

Madaxa adeegyada debeda ee midowga Yurub Nick Westcott, wuxuu sheegay in ujeedada midowga yurub ay mar kasta tahay soo celinta nabada iyo dabar goynta burcad badeeda, wuxuu xusay in ay dowlada ka taageeri doonaan in dalka gaarsiiso heer sare oo dhinaca amaanka ah.

Ugu dambeyntii Mr. Westcott wuxuu sheegay in qorshaha New Deal iyo shirka Soomaaliya ee lagu qabanayo Brussels uu yahay hadaf wanaagsan, wuxuu ku micneeyey in uu yahay qorshe wanaagsan oo dowlada Soomaaliya ka caawinaya in ay soo celiso kaabayaashii dhaqaalaha iyo kuwii adeegyada bulshada ee dalka.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com