HomeUncategorized

Ethopia oo balan-qaaday heshiis ay dhex-dhigayso Puntland iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya

Adis-Ababa, September 7, 2013 - Dowladda Ethopia ayaa shaacisay in ay dib-u-heshiisiin dhex-dhigayso Puntland iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, si loo gaaro wada shaqeyn iyo kalsooni buuxda oo la isku qabo.

Sawiro Dhagaysiga Khudbadaha Xubnaha Aqalka Sare ee Puntland oo galabtay la Soo gabagabeeyay
Wafti uu hogaaminayo Henry Bellingham, wasiirka Britain u qaabilsan arrimaha Afrika oo booqasho ku yimid Muqdisho.
Munaasabad xusuus iyo duco ah oo loo samayn doono Alle ha u naxariistee Warsame C. Shirwac. [Akhris …]

Adis-Ababa, September 7, 2013 – Dowladda Ethopia ayaa shaacisay in ay dib-u-heshiisiin dhex-dhigayso Puntland iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, si loo gaaro wada shaqeyn iyo kalsooni buuxda oo la isku qabo.

Ra?isal wasaaraha dalka Ethopia Haile Mariam Desalegne ayaa sheegay in dowladdiisa ay diyaar u tahay in ay heshiis dhex-dhigto labbada dhinac, kuwaas oo khilaaf xoogan ka dhexeeyey bilihii tegey, xukuumada Adis-Ababa ayaa balan-qaaday hir-gelinta qorshahaas.

Madaxweynaha Puntland ayaa dhowaan booqday dalka Ethopia isagoo wada-hadal la yeeshay wasiirka arrimaha debeda iyo ra?isal wasaaraha dalka Ethopia, waxayna ka wada hadleen wadashaqeynta amaanka labbada dhinac, sidoo kale waxaa la isla soo qaaday arrimaha Soomaaliya.

Dowladda Ethopia waxay xustay in ay sii wadayso qorshaheeda ku aadan horumarinta iyo dib-u-shiisiinta Soomaalida, si xal buuxa looga gaaro amaanka gobolka oo Idil, arrintan ayaa ku soo beegmaysa xili Puntland ay xiriirka u jartay dowladda dhexe.

Puntland waxay sidoo kale qaadacday shirweynihii hiigsiga qorshaha dowladda ee 2016-ka, ?kaas oo ku soo dhamaaday magaalada Muqdisho maalintii shalay ahayd.

?

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: