HomeUncategorized

Dusgsiyada sare ee Al-nuur (Badhan) & Hawd (Buuhoodle) oo caawa isku haleelay barnaamijka Tartan & Tacliin.

Buuhoodle, Aug 28 - Barnaamijka Tartan & Tacliin ayaa caawa ay Isku arkeen Iskuuladda Al-Nuur, Badhan ee Gobolka Sanaag, iyo Hawd,Buuhoodle ee Xarunt

Maanhadal – 18 Febraayo 2017
M/weyne Faroole oo Adis Ababa kula kulmay M/weyne Shariif & Mesfin, wasiirka arrimaha dibedda ee Ethiopia.
AMISOM oo qorshaha ku dar-sanaya illaalinta amaanka xaruumaha Turkiga ee dalka Soomaaliya

Buuhoodle, Aug 28 – Barnaamijka Tartan & Tacliin ayaa caawa ay Isku arkeen Iskuuladda Al-Nuur, Badhan ee Gobolka Sanaag, iyo Hawd,Buuhoodle ee Xarunta Gobolka Cayn ayaa Noqday Habeenkii Ugu Xiisaha Badnaa intii lagu soo jirey barnaamijka.

Labada Iskuul oo Caawa ay ku muuqatey Diyaarsanaan dheeri ah ayaa Midkiiba waxaa loosoo bandhigay 8 su?aalood, Dugsiga Al-nuur ee Magaaladda Badhan ayaa la weydiiyey 8 su?aalood; wuxuuna ka Jawaabey 4 kamid ah halka mid ka faa?iidaysi ahna uu helay, halkaasi wuxuu ku helay dhibco gaadhaya 9 dhibcood.

Iskuulka Hawd, Buuhoodle, ayaa la weydiiyey 8 su?aalood wuxuuna ka jawaabey 4 ka mid ah Iyo mid ka faa?iidaysi ah, halkaasi oo uu ka aruursaday 9 dhibcood.

Intaasi Kadib gudiga ayaa ku dhawaaqay Natiijadda barnaamijka waxayna labada Iskuul keeneen dhibco isleeg,taasoo sababatay in gudigu ay soo bandhigaan 4 su?aalood oo lagu kala saaro iskuuladda.

Hawd Buuhoodle ayaa afartaasi danbe la weydiiyey laba kamid ah wuxuuna Ka Jawaabey 1 kamid ah oo u dhiganta 2 dhibcood, Iskuula al-nuur ayaa isna ka jawaabey 1?su?aal oo u dhiganta 2 dhibcood,waxayna gudiga barnaamijku markii labaad ku dhawaqeen Natiijo Barbar dhac ah.

Mar sadexaadkii ayaa Gudigu soo bandhigeen 2 su?aalood oo kala bixitaan ah iyadoo uusan jirin wax ka faa?iidaysi ah, waxaana halkaasi su?aashisii ka jawaabey Dugsiga Sare ee Hawd Secondary Buuhoodle, Halka Al-nuur badhan uu baalmaray midiisii, waxaana Halkaasi Guushu ku raacday Dugsiga Sare ee Hawd Secondary Buuhoodle.

Barnaamijka Tartan Iyo Tacliin ayaa caawa wuxuu ahaa habeenkii ugu xiisaha badnaa ee abid soo mara sidoo kale wuxuu ahaa habeenkii ugu wakhtiga dheeraa Iyadoo Barnaamijku si toos ah u socdey mudo 3 saac ah intii u dhaxaysey 9:00 habeenimo Ilaa Iyo 12:16 subaxnimo.

Habeen danbe ayaa waxaa jira tartan sina aad u xiisa badan oo ay isku hardiyi doonaan Nugaal, Garoowe iyo Nawaawi, Qardho.

Iskuuladda U gudbay wareega 3-aad ayaa waxay kala yihiin Gambool (Garoowe), Al-waaxa (Garoowe), Hawd (Buuhoodle), Nawaawi (Boosaaso), iyo Sheekh Cismaan (Qardho).

Khadar Cawl Ismaaciil
Idaacadda Daljir. http://daljir.com/

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: