HomeUncategorized

Dugsiyada sare ee Al-Najax iyo Cumar Samatar oo caawa fooda isku daray barnaamijka Tartan iyo Tacliin ee Daljir. [Akhris …]

Galkacyo, Aug 24 - Dugsiyada sare ee Al-Najax Bossaso iyo Cumar Samatar Galkacyo ayaa caawa isku hardiyey barnaamij aqooneedka Tartan iyo Tacliin ee

Shacabka iyo Dowladda Jabuuti oo difaac ka galay khatarta ururka Al-shabaab ee gobolka
Xukuumada federaalka ah oo baaq nabadeed ka soo saartay dagaalka Gaalkacyo.
Dowladda Soomaaliya oo Sheegtay in Al-shabaab uu u furan-yahay Al-baabka wada-Hadalka

Galkacyo, Aug 24 – Dugsiyada sare ee Al-Najax Bossaso iyo Cumar Samatar Galkacyo ayaa caawa isku hardiyey barnaamij aqooneedka Tartan iyo Tacliin ee ay qabatay idaacadda Daljir, kaasi oo si toos ah loogala socday magaalooyinka Bossaso,Carmo,Qardho, Garoowe, Burtinle iyo Galkacyo oo dhamaantoodba ay Daljir xarumo ku leedahay.

Tartanka oo ahaa mid aad kulul ayaa labada dhinacba waxa ay soo bandhigeen dadaal iyo firfircooni aad u weyn oo ay u riyaaqeen dadkii la socday tartanka, iyadoo koox walba ay isku dayeysay inay tan kale boorka ku aasto.

Su?aalaha lagu tartamayey oo koobnaa (16) lix iyo toban su?aalood oo isugu jiray waxbarashada dugsiyada Sare, aqoon guud, suugaan iyo su?aalo diini ah ayaa markii dambe lagu dhawaaqay natiijada tartanka, waxaana ku dhawaaqay madaxa waxbarashada dalladda dugsiyada sare ee Puntland C/laahi Cali Xuseen oo ka mid ah guddiga Barnaamijka.

Dugsiga sare Al-najax Bossaso ayaa helay 7 dhibcood halka dugsiga sare ee Cumar Samatar Galkacyo uu helay 10 dhibcood oo ay guushu ku raacday.

Ardaydii u tartamaysay iskuulka Al-najax Bossaso ayaa markii natiijada lagu dhawaaqay u hambalyeeyey ardaydii la tartameysay ee dugsiga Cumar Samatar ee Galkacyo, taasi oo ka markhaatikacaysa sida ardaydu ugu heellan yihiin tartan aqooneedka noocaan ah.

Barnaamijkaan oo ay maalgalineyso shirkadda isgaarsiinta Golis Telecom Somaliya ayna ku bixineyso abaalmarin lacageed oo qaali ah ayaa waxaa ku tartamaya 24 dugsi sare oo ku yaalla deegaanada Puntland.

Habeen dambe ayaa lagu wadaa inay miiska aqoonta ee Tartan iyo tacliin isku arkaan dugsiga Gaarisa ee magaalada Bossaso iyo dugsiga Gambool ee magaalada Garoowe, iyadoo ay xalayna tartameen Xamdaan Bossaso iyo Xaaji Cali Biixi Galkacyo halkaasi oo uu ku badiyey Xaaji Cali Biixi.

Tartankaan oo ah kii ugu horreeyey ee noociisa ah ee loo qabto dugsiyada Sare ee Puntland ayaa soconaya inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Axmed Sheekh Maxamed Tallman
Idaacadda Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: