HomeUncategorized

Dugsiga sare Cumar Samatar ee Gaalkacyo oo xalay ku guulaystay koobka dugsiyda sare ee Puntland

Bosaaso, 14 Aug - Dugsiga Cumar Samatar ee Gaalkacyo ayaa ku guulaystay koobka barnaamijka Tartan iyo Tacliin oo ay ku tartamaan dugsiyada sare ee Puntland.

DHEGEYSO-Meydadka saddex ruux oo lagu arkay magaalada Marka.
AKHRI-Magacyada xubnaha cusub ee golaha deegaanka Galkacyo.
Baahin: Salaasa, Aug 30, Weriye Maxamed C. Kuuriya ~ Daljir ~ Bossaso. Munaasabada Ciid al Fitriga oo laga xusay caalamka Islaamka; Khudbadii M/weyne Shariif ee munaasabada Ciid al Fitriga; Khudbadii M/weyne Faroole ee munaasabada Ciid al Fitriga.

Bosaaso, 14 Aug – Dugsiga Cumar Samatar ee Gaalkacyo ayaa ku guulaystay koobka barnaamijka Tartan iyo Tacliin oo ay ku tartamaan dugsiyada sare ee Puntland.

Tartan xiiso badan oo xalay lagu soo afmeerayay barnaamijkan uu baahinyay Raadiyow Daljir oo taageero maaliyadeed ka helaya wasaaradda waxbasrahada Puntland, shirkdaha Golis iyo Salaam ayaa waxa ku tartamay Cumar Samatar ooGaalkacyo? ka dhisan iyo dugsiga sare ee Shaafici Bosaaso.

Tartanka ayaa sitoos ah labada dugsi ugu dhexmaray hotelka Jubba ee magaalada Bosaaso, waxaana gabagabadii uu kusoo dhamaaday toban darajo oo uu la yimid dugsiga Cumar Samatar iyo Shaafici Bosaaso oo sideed darajo ah.

Xaflad wayn oo ay kasoo qaybgaleen maalgeliyayaasha barnaamijka iyo marti sharaf kale ayaa lagu qabtay hotelka Jubba ee magaalada Bosaaso, gabagadii tartanka ayaa la dhigay xaflad gaar ah oo abaalmarin lacageed lagu gudoonsiinayay dugsiyada ilaa kaalinta sadexaad ka galay barnaamijka.

Cumar Samatar Gaalkacyo ayaa la gudoonsiiyay koobka dugsiyada sare Puntland ee barnaamijka iyo lacag dhan $700
Shaafici Bosaaso oo kaalinta labaad galay? ayaa gudoomay lacag dhan $500
dugsiga sare Dangoroyo oo galay kaalinta sadexaad $400.

Sidoo kalle shirkadda Golis Telcom? ayaa abaalmarino gudoonsiisay dadwaynihii kasoo qaybgalay xafladda oo helaya lacago iyo hadiyado kalle oo si hoodo iyo nasiib ay u galeen.

Tartankaan ayaa bilowday bishii barakaysnayd ee Ramadaanka waana tartan uu qabto Raadiow Daljir sanadkasta bishiisa Ramaadaan, waa sanadkii shanaad ee barnaamijkaan Radio Daljir uu ku tartansiiyo dugsiyada sare Puntland , sanadkaan ayaa waxaa ku tartamay barnaamijka 34-dugsi sare oo ka dhisan degmooyinka Puntland ee fog iyo kuwa saaran laamiga dheer.

\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"

\"\"\"\"\"\"\"\"

\"\"\"\"

\"\"\"\"\"\"

?

Diiwaanka wararka

Daljir Bosaaso.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: