Dowladda Talyaaniga oo bilaabaysa mashaariic lagu dhisayo garoomada dayuuradeed ee Bosaso, Gaalkacyo iyo isbitaalka Martini ee Muqdisho

Mogadishu, Apr 17 -Wasiir kuxigeenka warfaafinta ee dowladda faderaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa ka warbixiyay socdaal uu shalay magaalada Muqdisho uu ku gaaray safiirka dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya Andr? Marcela .

Wasiir kuxigeenka wasaaradda warfaafinta, boostaha iyo isgaarsiinta Cabdilaahi Bille Nuur oo isagoo ku sugan magaalada Muqdisho u waramay Radio Daljir ayaa sheegay safiirku inuu balan qaaday mashruuc lagu dhisayo garoomada diyaaradaha ee magaalooyinka Boosaso, Gaalkacyo iyo dayactir lagu samayn doono isbitaalka Martini ee magaalada Muqdisho.

Waxaa uu sheegay wasiirku mashruuca in la bilaabi doono sida ugu dhaqsaha badan, balse aanay jirin ilaa iyo hadda waqti cayiman oo mashruuca dhismaha ah uu bilaaban doono.

Mashruuca dhimso ee dowladda Talyaaniga ay ku dhawaaqday ayaa imaanaya kadib booqasho uu Talyaaniga uu ku tagay raysal wasaare Cabdiweli Maxamed Cali horaantii bishii Febraayo ee sanadkan, xiligaas ayaa dowladda Talyaanigu ay balan qaaday inay bixin doonto mashruuc ku baxaya inka badan lix malyuun oo doolarka Maraykanka ah.

Diiwaanka Wararka
Daljir Bossaso.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com