Dowladda Soomaaliya oo beenisay eedeyn la xiriirta nidaamka dalka oo ay jeediyeen siyaasiyiin

Muqdisho, Aug 13, 2013 – Wasiir ku xigeenka wasaarada war-faafinta ee Jamhuuriyada Soomaaliya Cabdi shakuur Cali mire, ayaa ka jawaab celiyey hadal eedeyn ah oo ka soo yeeray ra?isal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi.

Eedeynta Cali Geedi ayaa ahayd in dowladda Soomaaliya ay ka shaqeyso dhibaato iyo fowdo ay shacabka ka dhex bilowday, xili la filayey in wakhtigaan umada Soomaaliyeed ay helaan awood dowladeed iyo nidaam kala dambeyn oo dalka ka hir-gala, wuxuu aad ugu dheeraaday siyaasada dowladda ee Jubooyinka iyo dagaaladii ka dhacay shabeelaha Hoose.

Cabdishakuur Cali Mire oo BBC-da la hadlay wuxuu sheegay in eedeyntaasi ay tahay mid aan waxba ka jirin oo laga leeyahay dano khaas ah, wuxuu ku eedeyey ra?isal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi in uu waayey qaab u soo galo siyaasada dalka ee wakhtigan.

Wasiir ku xigeenku wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay hadalka ra?isal wasaarihii hore oo sheegayey in dowladda Soomaaliya ay abaabushay dagaalkii? ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose, wuxuu sheegay in dowaladdu ay halkaasi u tagtay dhex-dhexaadin ee aysan dadka isku dirin.

? Hadalka Geedi waa mid lagu iftiiminayo wax aan jirin, waana mid laga leeyahay dano siyaasadeed oo la isaga horkeenayo shacabka yo dowladda Soomaaliya, dadaalo ayaa socda dadkuna waa ka daaleen dhibaato iyo fowdo dowlad la?aan ah? ayuu yiri Mire.

Wasaarada warfaafinta waxay arintaas ka hadashay xili bilihii tegey ay shirar ka dheceen Nairobi, kuwaasi oo ay qabteen siyaasiyiin loo badinayo in ay ka soo horjeedaan siyaasada dowladda, marka laga reebo Prof. Cali Maxamed Geedi oo si cad u sheegay in ay dowaladu ku fashilantay siyaasada dalka oo idil,

Ilyaas Barre shiil oo ah mudane aqlabiyad sare ku leh Baarlamanka Kenya ayaa isna dowladda ku eedeyey qorsheheeda ku aadan Jubbaland iyo ciidanka dalka Kenya ee goboladaasi jooga, Ilyaas wuxuu ka mid ah abaabulayaasha shirarka siyaasiyiinta ee ka socda Nairobi.

?

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com