Dowladda Soomaaliya iyo Puntland oo heshiis wada gaaray[DHAGAYSO]

Axad, Abriil 12, 2015 (Daljir) — Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo dowladda Puntland ayaa maanta magaalada Garowe ku kala saxiixday heshiis ka kooban todobo qodob ka dib wada hadalo labadii maalin ee ugu danbeysay uga socday magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Heshiiskan oo ay goob-joog ahaayeen xubno sar sare oo kala matalayay labada dhinac ayaa lagu shaaciyay kulan ka dhacay xarunta madaxtooyada,waxaana sidoo kale madasha joogay xubno matalayay wadamada taageera dowladda Soomaaliya .

Afhayeenka xafiiska ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya Ridwaan Xaaji Cabdi wali ayaa heshiiskan u aqriyay warbaahinta ,isaga oo ay labada dhinac ka taagnaayeen raysul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

 

Dhagayso

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com