Dowladda Somaaliya oo ciidamo cusub geysay dhuusamareeb

HomeWararka

Dowladda Somaaliya oo ciidamo cusub geysay dhuusamareeb

Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud waxaa ay sheegayaan in Goordhow Garoonka Diyaaradaha Magaaladaas ay ka degatay diyaarad siday Ciidamo ka ti

DAAWO: GUDIGA DOORASHOOYINKA HEER FADARAAL OO BEENIYEY IN XILKII LAGA QAADEY GUDOOMIYIHII G/DOORASHOOYINKA GALMUDUG
Samafale Tigey oo ka Warbixiyey Saamaynta Abaarta iyo Shubanku ku Yeesheen Gobolka Cayn (DHEGAYSO)
Wareysi Agaasime Sonkor: Nabadeynta Gaalkacyo iyo isku-dhafka ciidamada (dhegayso)

Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud waxaa ay sheegayaan in Goordhow Garoonka Diyaaradaha Magaaladaas ay ka degatay diyaarad siday Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya.

Diyaarada ayaa la sheegay inay wado Ciidamo ka tirsan Booliska sida Gaarka ah u tababaran ee Haramcad,kuwaas oo ka ambabaxay Magalada Caasimadda ah ee muqdisho, iyaga oo Ciidamadani qayb ka noqonaya Booliska sugaya Ammaanka Shirka Dib u Heshiisiinta Dhuusamareeb.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in sidoo kale saacadaha soo socda Magalada Dhuusamareb ay tegi doonaan Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM oo kala ah itoobiyaan iyo Jabuutiyaan,kuwaas oo ka ambabaxay deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay waxaa ay dhowr mar u geysay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomalaiya,kuwaas oo la wareegay Xarunta Madaxtooyada, Garoonka Diyaaradaha iyo Xarumo kale.

Khilaafka Dowladda iyo Culumadda Ahlusunna ayaad mooda mid sii kordhaya,wixi ku soo kordhana wararkeena dambe ayaan idin ku soo gudbin doona insha allah.

Diwaanka
Wararka Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: