Barakacayaasha Qolooji, DDS, oo daadku sii barakiciyey iyo maamulka Jigjiga oo weli ka aamusan

Barakacayaasha Qolooji, DDS, oo daadku sii barakiciyey iyo maamulka Jigjiga oo weli ka aamusan

Barakacayaasha deegaanka QOLOOJI ee Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS) oo aan markoodii horeba wax gargaar ah haysanin ayaa waxaa hadda soo wajahday dhibaatooyin ay kamidyihiin hoy la’aan.

Illaa shalay waxaa deegaanka ka da’ayey roobab lixaad leh waxaana goobahaas hoy la’aantu ka jirto saameyn ku yeeshay daadadka oo dadkii mar kale ka wada dhigay hoy la’aan. Daadadka soo rogmanaya ayaa haddii aysan guryihii qaadan kuwii kale ka wada dhigay balliyo biyo dhex jiifaan.

Guryaha Qolooji oo markii horeba ka samaysnaa karaatiin iyo baco la isku tolay ayaa badanaa hadda waxaa qaaday daadka soo rogmaday. Barakacayaasha Qolooji oo ay guryahoodii ka soo barakiciyeen Ormadu oo illaa iyo hadda aan dejin iyo difaac toona ka helin maamulka deegaanka iyo kan Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ugu baaqaya in ay la soo gaaraan gurmad iyo gargaar degdeg ah.

Diiwaanka wararka DDS

Radio Daljir

Jigjiga

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com