Dowladda Puntland oo Cadaysay Go\’aankeeda Doorashada Sanadka Danbe

Talaado, September 22, 2015 (Daljir) —Kadib markii Soomaliya ay muddo ku jirtay nidaam KMG ah ayaa bishii Agoosto sannadkii 2012 waxaa loo gudbay Dowlad Federal ah oo loo dhan yahay.

Waxaa la dhamaystiray Golayaashii Dowladda waxaana loo igmaday in dowladaasi ay ummadda soomaaliyeed gaarsiiso dowladnimo rasmi ah, soona celiso maqaamkii iyo sharaftii iyo karaamadii ay ummadda Somaaliyeed ku laheyd beesha caalamka. Waxaa gaar ahaan laga rabay ayaduna ballan qaaday in dowladaasi mudada ay xilka hayso ay wax ka qabato xasilinta dalka, sugidda amniga, hirgellinta nidaamka federaalka, sareysiinta sharciga, ilaalinta dastuurka Qaranka, hirgellinta dowlad wanaagga, garsoorka, dhisidda dowladaha xubnaha ka noqonaya DFS ee aan hore u jirin ayadoo la raacayo Dastuurka Qaranka, soo nooleynta dhaqaalaha dalka, nabadeynta iyo dib u heshiisiinta, midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, dib u dhiska dalka, ilaalinta iyo abuurida xiriir caalami ah ee ku saleysan iskaashi iyo wada jir.

Dhammaan ujeedooyinkaas loo igmaday dowladaas way ku fashilantay. Hadaba, waxaa lagama maarmaan ah in ummadda soomaaliyeed oo kaashanaysa beesha caalamka si dhamaystiran uga wada qaybgalaan hirgellinta hiigsiga doorashada 2016 si dalka ay uga dhalato dowlad soomaaliyeed oo fullisa baahida badan ee kor ku xusan.

Puntland waa asaasihii DFS waana dowladdii ugu horaysay ee buuxisay shuruudaha dastuuriga ah ee habraaca nidaamka federaalka, waxayna diyaar u tahay in ay doorkeedii hogaamin ka qaadato hirgellinta habka federaalka iyo geedisocodka doorashada 2016. Qoraalka hoose waxay Dowladda Puntland ku soo gudbinaysaa aragtideeda, mabaadiida asaagiga iyo hannaanka lagu gaarayo doorasho Agoosto 2016.

MABAADIIDA AASAASIGA AH:

Dowladda Puntland waxay aaminsantahay mabaadiida aasaasiga ah ee hoos ku xusan kuwaasoo ay lagama maarmaan tahay in la hirgaliyo ka hor inta aan la qaban doorashada 2016.

1) Dastuurka KMG ee DFS waa kii lagu heshiiyey laguna kala saxiixday Nairobi June 22, 2012.

2) Waa in dooarashadu ay dalka ka qabsoonto wakhtiga loogu talagalay ayadoo aan lagu darin waqti.

3) Waa in Xulashada Baarlamanaka cusub lagu saleeyaa 18 kii gobol iyo degmooyinkii jiray kahor burburkii Somaaliya 1991.

4) Hannaanka xulashada Baarlamaanka cusub waxaa go’aaminaya Dowlad goboleedyada iyo Maamulada ka jira degaankaas iyagoo la tashanaya bulshada qaybaheeda kala duwan .

5) Waa in la dhiso Golaha Aqalka Sare (Upper House) laguna saleeyo 18 kii Gobol ee ka horeeyey 1991.

6) Waa in go’aan kama danbeys ah laga gaaro meesha, maqaamka iyo xuduudaha ay yeelaneyso caasumada soomaaliya.

7) Waa in dib loo wada dhisaa dhammaan guddiyada heer Qaran sida Guddiga Doorashoyinka, Gudiga Xuduudahaha, Gudiga Garsoorka, Gudiga Dastuurka, IWM.

8) Waa in la caddeeyaa maamul goboleedyada buuxiyey shuruudaha dastuurka iyo kuwa aan buuxin iyo maqaamka ay kala yeelanayaan kuwa KMG ah iyo kuwa ka baxay.

9) Awood qaybsiga Dowlad goboleedyadu waa inuu ku salaysan yahay baaxadda deegaanka

Hadaba, si loo fuliyo geedi socodka wada tashiga doorooshad 2016, waa in la samaynayaa hannaanka soo socda:

1. GOLLAHA MADASHA WADATASHIGA QARAN (NATIONAL CONSULTATIVE FORUM):

Golaha Wadatashiga Qaran waa hay’ad go’aan-qaadasho oo loo dhan yahay taasoo ka koobnaan doonta Madaxda DFS iyo Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah DFS. Hadaba si loo hubiyo wadajirka iyo sharciyadda ee geeddi-socodka iyo natiijada, madashu waxaa ka mid noqon doona:

1) Madaxweynaha DFS

2) Gudoomiyaha Baarlamaanka

3) Ra’iisul Wasaaraha DFS.

4) Madaxweyneyaasha Doowlad Goboleedyada

5) 5 xildhibaan oo ka tirsan Barlamaanka Federaalka ah kuwaas oo ay ansixin doonaan dowladaha iyo maamulada ay ka soo jeedaan.

6) 5 Wasiir oo ka tirsan Xukuumadda Federaalka ah, (Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, Arrimaha Dastuurka, Warfaafinta, Cadaaladda iyo Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Xuquuqul Insaanka).

7) 5 xubnood oo ka kala imaanaya midkiiba Golayaasha Dastuuriga ah ee Dowladaha xubnaha ka ah DFS ee waafaqsan shuruudaha dastuurka.

8) 2 Xubnood oo ka socda bulshada rayidka ah oo ka imaanaya 18 kii gobol ee dalka (36 xubnood), waxaana soo xulaya maamulada ka jira deegaanada ay ka imaanayaan.

9) Gobolada aan lahayn maamulo buuxiyey shuruuda dastuurka waxaa matalaya DFS inta loo dhamaystirayo dhisme maamul goboleed oo sharci ah.

Hadaba si uu geedi socodka dooroshooyinka 2016 u guulaysto, waa in goob joogayaal ka socda beesha caalamka oo ay hoggaaminayso Qaramada Midoobay ayna ka mid yihiin Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, IGAD, Midowga Yurub, Maraykanka, Ingiriiska, Iswiidhan, iyo Talyaanga ay la socdaan habsami u socodka doorashada 2016.

2. GUDDIGA FULLINTA (TASK FORCE)

Si loo taageero Madasha Wadatashiga Qaran loona dardar geliyo hawlaheeda, Guddi Fullineed ayaa la abuuri doonaa – iyadoo laga duulayo baahida loo qabo in la fuliyo go’aamada Madasha hoggaanka. Hawshooduna waxa ay noqon doontaa in ay taageeraan Madasha Wadatashiga Qaran talo bixin iyo hubin hirgelinta nidaamka wadatashiga. Guddigan waxuu hoos tagayaa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Dowladda DFS waxaa xubno ka noqon doona:

5 Xubnood oo ka socda Dowladda Federaalka

11 Xubnood oo ka socda Maamul goboleedyada dastuurka buuxiyey laguna salaynayo gobol walba 1 xubin.

Maamulada aan buuxin shuruudaha dastuurka waxaa mataya DFS.

3. KAALINTA IYO MAS’UULIYADAHA GUDIGA (ROLES AND RESPONSIPLITIES)



Waxaa ay qaadanayaan mas’uuliyadda hirgellinta go’aannada kasoo baxa Madasha Wadatashiga Qaran.

Waxay Kormeeri doonaan agaasinka wadatashiyada qaabeysan ee taxanaha ah ee ku xusan qorshe hoowleedka.

Waxay hubinayaan in wadatashiyada si isku mid ah oo loo dhan yahay uga wada qabsoomaan guud ahaan gobolada dalka.

Waxa ay fududeeynayaan isku dubaridka hawlaha siyaasadeed iyo xiriirka xubnaha kala duwan ee Madasha Wadatashiga Qaran.

Waxa ay si istiraatiiji ah u jiheeynayaan una hagayaan qorshaha geedi socodka doorashada 2016.

Waxa ay dammaanad qaadayaan isku xirnaanta iyo in waqti cayiman lagu fuliyo hannaanka wadatashiga.

Waxa ay si joogto ah warbixin u siin doonaan madaxda Madasha Wadatashiga Qaran.

Waxa ay u soo gudbinayaan Madasha Wadatashiga Qaran nuqulka Hagidda iyo Fududeynta Wadatashiga sida ku tilmaaman Qorshe Hoowleedka si ay u ansixiyaan.

Waxa ay abaabulayaan helidda dhaqaale lagu hirgeliyo qorshe hoowleedka.

Ilaalinta waqtiga u dajisan wadatashiyada iyo u gudbinta xogaha la soo uruuriyay Guddi wadatashi Qaran.

Diyaarinta warbixinno usbuucle ah oo loo gudbiyo Guddi Hoowleedka iyo daneeyayaasha kale (Sida deeq bixiyayaasha) iyo warbixinnada kale ee loo baahdo sida shirarka jaraa’id.

12.Diyaarinta maqaallo, bandhigyo iyo khudbado loo diyaariyo Guddi Hoowleedka si ay bulshada guud ahaan ula wadaagaan horumarka laga sameeyay hannaanla wadatashiga.

13.Maareynta maalgelinta iyo mas’uul ka ahaanshaha la xisaabtanka iyo hufnaanta shaqaalaha maamulka iyo hindisahaba.

4. GUDDI KHUBARO FARSAMO (TECHNICAL SUPPORT TEAM):

Guddigan waxaa hagaya Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha DFS, waxuuna ka koobnaan doontaa khubaro iyo la-taliyeyaal farsamo waxayna ka talo bixiniyaan habsami u socodka iyo taaba gellinta doorashada 2016. Guddigan wuxuu taageero ka geysan doonaa diyaarinta, hagidda iyo fududeynta wadatashiga. Guddiga iyo Maamul Goboleedyadu waxaa ay wada fududeyn doonaan wada-tashiyada heer gobol, wacyi gellinta bulshada iyo istraatiijiyadaha xiriirka.

Guddigu wuxuu ka imaanaya:

Dowladda Federaalka (5 xubnood).

Dowlad Goboleedyada waafaqsan Dastuurka (6 Xubnood).

5. DOORKA IYO MAS’UULIYADAHA GUDDIGA FARSAMO

Wuxuu Guddigu leeyahay hoggaaminta iyo maamulidda hoowlaha farsamo iyo fulinta tallaabooyinka hannaanka wadatashiga.

Waxaa ay la tashanayaan daneeyayaasha kala duwan si ay ugu kuur galaan rabitaankooda iyo ka qeyb galkooda si ay talo u siiyan Guddi Hoowleedka.

Maareynta kooxaha Farsamo iyo shaqaalaha la shaqaynaya.

Sameynta barnaamijyo iyo qorshe-hawleedyo faahfaahsan, go’aaminta hawlaha loo baahan yahay, iyo qeexidda kuwa mudnaanta leh si looga miro dhaliyo geedi socodka doorashada 2016.

Waxaa ay xiriir wada shaqeyn iyo xog is-weeydaarsi joogto ah la yeelanayaan Guddi Hoowleedka iyo Maamul Goboleedyada oo dowr muhiim ah ka ciyaaraya hannaan socodka wadatashiga.

Kasbashada taageero iyo kalsooni si ay hannaanka wada tashiyadu uga qabsoomaan gobollada oo dhan, loona hubiyo hannaan quman oo laga wada qayb galayo.

Soo saaridda qorshe hoowleedyo tifaftiran iyo u fududeynta kooxaha shaqada in ay helaan xog sida (in la helo taageerada farsamo ee deeq bixiyayaalka iyo Dowladda haddii loo baahdo).

Waxa ay hubinayaan in maalgelin loo helo GTF iyo Madasha wadatashiga si guud.

Sameynta qorshe lagu raadinayo taageero farsamo iyo saad dibadeed ka hor bilowga hanaanka wadatashiga.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com