Dowladda oo sheegtay inay dishay Horjooge Ajnebi ah

HomeWararka

Dowladda oo sheegtay inay dishay Horjooge Ajnebi ah

Ciidanka milateriga Soomaaliya oo dhawaan howgallo ay ka fuliyeen Deegaanka Jilib ee Gobolka Shabeelaha Hoose waxay ku dileen 16 maleyshiyaad ah oo u

Lifting the Arms Embargo, Debt Relief and Surfacing of Abiy’s Suicidal Endeavor: Coincidences or Choreographed?
Shirkii ay soo qabanqaabiyeen Wasaaradda Arrimaha Dastuurka iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo miradhal noqday
Shirka amniga gobolka Mudug ee dhanka Puntland oo go,aano laga soo saaray (dhegayso)

Ciidanka milateriga Soomaaliya oo dhawaan howgallo ay ka fuliyeen Deegaanka Jilib ee Gobolka Shabeelaha Hoose waxay ku dileen 16 maleyshiyaad ah oo uu ku jiro horjooge sare oo ka tirsan Ajaaniibta Kooxda Alshaab.

Taliyaha Qeybta 12 April ee Ciidanka Xoogga dalka sareeye guuto Cumar Dheere oo la hadlay Idaacadda Ciidamada Qalabka sida ayaa xaqiijiyay in howlgalka degaanka Jilib marko lagu dilay horjooge u dhashay dalka Afgaanistaan, kaasi oo lagu magacabo Naasir Aljaabiri.

Abaandullaha Ciidanka federaalka sareeye guuto Odowaa Yuusuf Raage oo goob fagaaro ah kula hadlay dadka ku nool deegaanada Alshabaab laga saaray ee hoostaga dagmada Marka ayaa sheegay in ay dhamaatay hantidii baadda ahayd ee Al-shabaab ka qaadi jireen shacabka ku dhaqan deegaanadaasi.

Wuxuu tilmaamay in dagaalka lagu xoreeyay degaanadan lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab, islamrkaana howgaladan ay sii socon doonaan inta laga xoreynayo deegaanada wali ku harsan gacanta kooxdan Argagixsada ah.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: