Dowladda Federaalka oo Xaqiijisay in uu Dib U Dhacay Shirweynihii Arrimaha Dastuurka

Dowladda Federaalka oo Xaqiijisay in uu Dib U Dhacay Shirweynihii Arrimaha Dastuurka

Dowladda Somaliya ayaa Xalay ku dhawaaqday inuu dib udhac ku yimid furitaanka Shirweynaha Qaran ee Dib u eegista Dastuurka Somaliya.
Shirkan ayuu Wasiirka Dastuurka Somaliya C/ Xoosh Jibriil Sheegay inuu qabsoomayo 8-da October oo ku asteysan maanta ,ila haddana dowladu ma sheegin wakhtiga uu furmayo.

Qoraal uu soo dhigay goordhow Bartiisa Facebook Wasiirka Warfaafinta Somaliya Injineer C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayuu ku sheegay inuu dib uga dhacay Waqtigiisa Shirka.

“Cilad farsamo darteed waxaa dib u dhacay shirweynihii Qaran ee Daahfurka Dib-u-eegista Dastuurka oo 8da October ka bilaaban lahaa Royal Palace Hotel ee Muqdisho” ayuu yiri Wasiir Yariisoow.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com