Dowladda federaalka oo qiimayn ku samaynaysa khasaaraha colaadii ka dhacday gobolka Hiiraan

Beledweyne, December 25, 2013 – Dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa bilowday dadaal ay ku doonayso in ay dib u soo celiso adeegyadii deegaanka Kabxanley ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ay dhowaan ku dagaalameen beelo isku haysta dhul-beereed.

Maamulka gobolka Hiiraan hay?addaha samafalka iyo maamulka degmada Beledweyne ayaa maanta booqasho ku tegaya deegaanka, si ay ugu kuur galaan xaalada ka jirta Kabxanley xili dad ku baragkaceen dagaalkii dhowaan.

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay qiimayn ku samayn doonaan xaalada guud, baahida jirta ee deegaanka iyo weliba khasaaraha ka dhashay dagaalkii ka dhacay deegaanka horaantii bishan.

Qiimaynta ayaa lagu salayn doonaa in loo howl-galo oo gaargaar la gaarsiiyo dadka ay saameeyeen dagaalada ka dhacay Kabxanley, sida uu sheegay xiriiriyaha hay?addaha samafalka ee maamulka gobolka Hiiraan Maxamed Faarax Axmed.

Dib-u-dejin ayaa loo samayn doonaa sidoo kale dadka ku baragkacay dagaalada, waxaa kaloo qorshaha ku jirta nabad-deynta beelihii dirirtu dhexmartay.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan soo saartay go?aan adag oo ay u jeedisay dadkii colaaddu dhexmartay, iyadoo sheegtay in dambiile iyo dagaal Ooge loo aqoosan doono cidii jebisa amarka dowladda ay ka soo saartay colaadda.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com