Dowladda faderaalka”Mowqifkeena xiisadda Khaliijka waa dhexdhexaad” (dhegayso)

Dowladda faderaalka”Mowqifkeena xiisadda Khaliijka waa dhexdhexaad” (dhegayso)

Golaha wasiirada ee dowladda faderaalka Soomaaliya oo gelinkii dambe ee maanta ku shiray magaalada Muqdisho ayaa sheegay weli xukuumadda inay ku taagantahay mowqifkeedii hore oo ay uga qaadatay khilaafka dowladaha Khaliijka.

Wasiirka warfaafinta Enj. Yariisow oo kulanka kadib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay siyaasadda dibadda ee dalka inay ka mid tahay waajibaadka dowladda dhexe, sidaasi darteedna aanay ka tanaasulin mowqifkoodii hore.

Dowladda faderaalka Soomaaliya ayaa horay door dhexdhexaad ah uga qaadatay khilaafka dowladaha Khaliijka, balse waxaa arintaasi ku gacan sayray dowlad goboleedyada.

Hoos kadhegayso

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com