DOORASHOOYINKA SOMALILAND IYO RAJO XUMO CUSUB OO SOO KORODHAY

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

DOORASHOOYINKA SOMALILAND IYO RAJO XUMO CUSUB OO SOO KORODHAY

Golaha Guurtida ee Somaliland oo ay maanta ku beegnayd inay u codeeyaan meelmarinta xeerka doorashooyinka ayaa maanta si lama filaan ah u baaqday mark

Dayaca Xasan Sheekh, dagaalka Laascaanood iyo ilaalinta dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Faysal Rooble: “Itoobiya waxa ay u soo xeydatey hubinta kalajabka Soomaaliya in uu taam noqdo”
Caaqil Cabdiqani MF Ducaale, Ceerigaabo: “Gobolka Sanaag baa la isku haystaa dib-danbe u maqli maysaan” (dhegayso)

Golaha Guurtida ee Somaliland oo ay maanta ku beegnayd inay u codeeyaan meelmarinta xeerka doorashooyinka ayaa maanta si lama filaan ah u baaqday markii uu shirguddoonka golahaas uu mudayaasha aqalkaas u sheegey in madaxtooyada looga yeeray oo loo baajiyay shir ka dhacayay xarunta Muuse Biixi ee Hargeysa.

Mudayaal ka tisan axsaabta mucaaradka ayaa rajo xumo weyn ka muujiyay sida ay madaxtooyada Somaliland uga warwareegeyso in doorashooyin la qabto, waxana sida uu warbaahinta u sheegey xildhibaan Siciid Libaax oo ka mid golayaasha mucaaradku in maaddaama loo xanniban yahay doorasho in laga walaac qabo in lagu kala dhaqaaqo arrimaha gudaha iyo siyaasaddaba.

Rajada laga qabo in madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu oggolaado in doorasho ay uga dhacdo geyiga uu maamulo ayaa sii yaraanaysa, taas beddelkeeda waxaa gudaha Somaliland sii kordhaya shakiga iyo cabsiga laga qabo in dagaal sokeeye uu ka dhex dhaco, taasoo sababteeda lagu sheegayo cagajiidka hoggaanka sare ee Somaliland oo isku adkaynaya sii haysashada kursiga maamulka.

Diiwaanka wararka Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: