HomeUncategorized

Doonni Ganacsi oo ay Burcad afduub ugu geysatey kaabiga xeebta Bossaso iyo Puntland oo wadda dadaallo lagu soo furdaaminayo. [Akhris …]

Bossaso, July 11- Sida ay caddeeyeen saraakiisha badaha ee deegaanka Koox Burcad badeed Soomaali ah ayaa waxa ay afduub u geysteen Doonni laga leeya

DHEGEYSO-Gaadiidleeyda magaalada Muqdisho oo banaan baxyo dhigay.
Mudaaharaad rabshado wata oo ka dhacay magaalada Laascaanood, sababayna dhimasho iyo dhaawac dad rayad ah.
Dhagayso Warkii Fiidnimo ee Radio Daljir Jimce 26 – March – 2016 Khadar Cawl Ismaaciil

Bossaso, July 11- Sida ay caddeeyeen saraakiisha badaha ee deegaanka Koox Burcad badeed Soomaali ah ayaa waxa ay afduub u geysteen Doonni laga leeyahy dalka India kaas oo ay saarnaayeen 16 Bad-maaxiin ah.

Andrew Mwangura oo ah xiriiriyaha arrimaha badaha ee waddamada Bariga Afrika ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan SAP ayaa sheegey in doonni oo ka carraabtey galabnimadii Jimcaha magaalada Bossaso ay qafaasheen Burcad badeedda.

Doonnidan ayaa waxaa ay ku waajahnayd markii la afduubtey dalka Isu tagga Imaaraatka Carabta waxaana ay u rarneyd ganacsato Soomaaliyeed.

Wakaaladda Wararka ee Shiinaha ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan XInhua ayaa waxaa uu sheegey in dhammaan shaqaalaha saaran doonnida ay u dhasheen dalka India waxaana ay u jireen xeebta magaalada Boosaaso markii la afduubanayey 14 Nutical Mile.

Dhinaca kalena maamulka dawladda Puntland ayaa lagu wadaa in ay u diraan doonnida iyo kooxda saaran ciidammo si ay uga soo bad baadiyaan kooxda afduubka u geysatey doonnida oo la aadey dhinaca xeebaha Bari ee gobollada Bari iyo Kar-kaar.

Horey ayaa maamulka Puntland waxaa ay u soo bad baadiyeen Maraakiib iyo Doommo ay kooxaha Burcad badeedda ah ay ka afduubteen meel u dhaw xeebaha Bari ee magaalada Bossaso, waxaana inta badan ay Dawladda Puntland ay tallaabo cad ka qaadda Burcadda u geysata waxyeellada Maraakiibta iyo Doomaha u raran Ganacsatada ku waas oo keena Badeecadaha.

Hawlaha ay ku afduubanayaan Burcad badeedda Maraakiibta marta xeebaha Soomaaliya ayaa dhawrkii beri waxaa ay ahaayeen kuwo soo badanaya inkasta oo ay ka yaraadeen intii hore ee ay ahaan jireen.

Waxaana loo aaneynayaa arrimahaasi iyada oo ay ku suganyihiin badda Soomaaliya ciidammo shisheeye ah ku waas oo hawl gallo ka wada xeebaha dalka Soomaaliya, waxaana ay soo qab qabteen kooxo Burcad ah iyaga oo qeybna ku wareejiyey Puntland iyo Kenya halka qaarka kalena ay sii daayeen.

C/Fataax Cumar Geeddi.
Idaacadda Daljir. http://daljir.com/

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: