HomeUncategorized

Diyaargarowga xuska 1-da Luulyo oo deegaannada Puntland si weyn looga dareemayo. [Akhris …]

Garowe, June 30 - Waxaa iminka ka socda magaalooyinka ku yaalla deegaannada DG Puntland qaban qaabada Xaflado lagu xusayo sannad guuradii 49-aad ee k

Wasiirka Amniga Puntland oo Laamaha Amniga Gobolka Mudug kala hadlay xoojinta Amniga Gaalkacyo
Hor-cad oo maamulka ugu baaqay in la sharaxo qaabka loo joojiyey Doorashadii Puntland (Dhegeyso)
Agaasimihii idaacaddii Somaliweyn oo caawa lagu dilay magaalada Muqdisho.

Garowe, June 30 – Waxaa iminka ka socda magaalooyinka ku yaalla deegaannada DG Puntland qaban qaabada Xaflado lagu xusayo sannad guuradii 49-aad ee ka soo wareegtey markii ay qaateen gobollada Koonfureed ee Dalka Soomaaliya Madaxbannaani isla markaana ay midoobeen labada Jamhuuriyadood ee Waqooyi iyo Koonfur.

Xafladaha ayaa waxaa ka mid ah mid ka dhici doonta xarunta Madaxtooyada ee magaalada Garoowe halkaas oo ay ku suganyihiin Mas’uuliyiin sar sare oo Dawladda Puntland ah, kuwaasi oo uu ka miid yahay M/weyne kuxigeen Puntland ahna sii haya xilka madaxweynaha Gen.C/samad Cali Shire, Guddoomiyaha golaha wakiillada Puntland C/rashiid Maxamed Xirsi, xubno ka mid ah labada gole ee xukuumadda iyo Barlamaanka iyo mas’uuliyiin kaleeto.

Waxaana lagu Casumey Xafladdaasi Odayaal iyo dad da’ ah oo u soo joogey Sooyaalka Taariikhda Soomaaliyeed halkaas oo lagu wado in ay ka soo jeediyaan hadallo Taariikh iyo Murtiba leh, oo dadka ku xasuusinaya halgankii dheeraa ee loo soo marey gobonnimada Soomaaliya.

Sidoo kale Magaaloyinka Gaalkacyo iyo Boosaaso ayaa Xafladahan oo kale lagu wadaa in ay ka dhacaan, xafladaasi oo iyana ay joogi doonaan dad in badan u soo joogay halgankii gobonimada Soomaaliya iyo sidii lagu helay xorriyadda hadda la haysto.

Dhinaca kalena Idaacadda Daljir ayaa sidoo kale xuseysa Munaasabaddaan qiimaha ballaadhan leh, waxaana wakhti dheeri ah lagu daray xilligii ay horay u shaqeyn jirtay ee habeenimo, iyada oo ay gaari doonto baahinta Habeennimo tan iyo Saqda dhexe ee caawa, xilligaas oo la saarayo Calanka Soomaaliya, oo ku aaddan markii ugu horreysey oo calan Soomaaliyeed ay leedahay uu ka dul ba badey Ciidda gobollada Koonfureed ee dalka Soomaaliya.

Waxaana idaacaddu ay soo kordhisay Barnaamijyo dheeri ah oo ku saabsan munaabaddda 1-da Luuliyo oo ah maalin qiimo badan ugu fadhida dadka Soomaaliyeed.

Munaasabadda 1-da Luulyo ee sanadkaan ayaa waxaa ay ku soo aadeysaa iyada oo Madaxweynaha Dawladda Puntland uu iminka dalka dibaddiisa uu ku maqanyahay.

Diiwanka Wararka Daljir. http://daljir.com/

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: